Dagaalkaan oo u dhexeeya dad reer guuraa ah oo wada dega deegaano ka tirsan degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed tiro badan waxaana ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 qof halka tiro ka badan 10 qofna ay ku dhaawacmeyn.

Dadka dhaawacmay ayaa 8 ka mid ah la gaarsiiyay isbitalka Degmada Caabudwaaq sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha Maamulak Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ugu magacaaban degmada Caabudwaaq.

Xasan Cabdi Calas xasan Caabudwaaq ayaa SBC u xaqiijiyay in dadka halkaasi dhaawaca iyo dhimashada isku gaarsiiyay ay yihiin dad reer guuraa ah isagoona sheegay in arintaani ay siweyn uga xunyihiin aanana loo baahneyn in xiligan ay dhacaan dagaalo maadaama dadka uu ka dhaxeeyo biyaha Hoyga iyo geedka lawada harsanayo.

Waxaa uu ka dalbaday Maamulka dowlada dhexe iyo Ahlusuna walajamaaca in si deg deg ah halkaas loo soo gaaro si loo kala badbaadiyo dadkan reer guraaga ah ee wada dega balse isku maandhaafay waxyaabo yar yar.

SBC Interantional Dhuusamareeb