Shacabweynaha Soomaaliyed ayaa siweyn u wada sugaya halka ay ku dambeyso isbedelka baaxada leh ee siyaasadeed kaasi oo ku dhacay dowladii Kumeelgaarka aheyd islamarkaan iminka ka baxday.

Waxay shacabku si gaar ah isha ugu hayaan talaabada ugu dambeysa ee qeybta ka ah isbedelka ku yimid Dowlada Soomaaliya taasi oo ah soo magacaabista iyo golaha cusub ee uu soo wado raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

Maalmihi ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay wararka ku aadan soomagacaabista golaha cusub ee xukuumada, iyadoo wararkii ugu dambeeyayna ay sheegayaan in ay heerkii ugu dambeysay marayaan wada tashiyo uu ku guda jiray Raiisul wasaaraha.

Maalmaha Soo socda ayaa lawada sugayaa in uu ku dhawaaqo Raiisul wasaare Shirdoon Xukuumadiisa, iyadoo shacabka badina ka rajeynayaan in ay noqon doonto mid iyana isbedel xoogleh ka muuqdo maadaama ay isbedeleen masuuliyintii ugu sareysay dowlada .