Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee gobolada Maamulka Puntland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Kulanka Wadatashiga Soomaalida ee ka socda Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland.

Barnaamijka Nasashada SBC oo maalin walba oo jimce ah ka dib salaada Jimce ka baxa Idaacada SBC ayaa manata waxaa lagu falanqeynayay aragtida dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Puntlandba ee ku aadan Shirka wadatashiga ee lugtiisa labaad gaba gabada ku dhowdahay ee ka socda Magaalada Garoowe.

Dadweyne aad u tiro badan oo soowacay Qadka SBC ayaa ra’yiyo kala duwan ka muujiyay shirka iyadoona ay u badnaayeen kuwa muujinaya in shirkani uu saameyn buuxda islamarkaana wax ka bedela xaalada Dalka iyo umada Soomaaliyeed, loogana boxo dhibaatada dib u dhigtay sharafdii umada Soomaaliyeed ay laheyd,

Qaar ka mid ah dhageystayaasha Fikirkooda dhiibtay ayaa iyana muujiyay mid ka duwan taas oo sheegay in kulankan uu yahay mid ay ku wada tashanayaan siyaasiyiinta dalka xukuma ayna ka soo bixi doonin waxyaabo ka bedelan waxii hirgeli waayay ee ka soo bixi jiray kulamadii hore.

Sikastaba ha ahaatee dadka ayaa aragtidoodu u badneyd soo dhaweynta go’aamaha shirkan iyo weliba iyagoo muujiyay in ay ka soo bixidoonaan mid isu keena umada Soomaaliyeed kana taliya aayahooda.

Halkan ka dhageyso Barnaamijka

Jihaan Maxamed Cabdi.
SBC International Boosaaso