Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa Aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Shirkii ka dhacay magaalada London Cariga Ingiriiska iyo qodobadii ka soo baxay .

Dadweynaha qaar oo ka qeyb qaadanayay Barnaamijka Nasashada SBC ee Jimce kasta ka baxa Idaacada SBC ayaa muujiyay ragadtiyo isku soo dhow oo ay ka qabaan shirka iyagoo qaarkood ku tilmaamay wax dan u ah Soomaaliya qodobadii ka soo baxaxay qaarna aysan wax dan ah ugu jirin umada Soomaaliyeed.

Waxa ay qaarkood soo dhaweeyeen go’aamada laga qaatay la dagaalanka Burcad badeeda iyo dhinacyada kale ee Amaanka dalka,  iyo weliba kii lagu soo bandhigay soo dhaweynta wadahadal dhexmara masuuliyiinta Soomaalida iyo Maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana ay ku tilmaameen in ay ka filayaan dhaqan gelinta dhamaan waxyaabaha soo baxay .

Sidoo kale waxay ku tilmaameen dadka qaar in qodobada ka soo baxay shirkani uu noqday mid aanay masuuliyiintii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirka waxba ka geysan oo ay ahaayeen kuwo ay la yimaadeen dowladihii isugu yimid ayna tahay wax ay dan iyaga oo qura ugu jirto.

Balse badi dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka waxay ahaayeen kuwo soo dhaweynayay kulanka iyagoona sheegay in kulankani uu ahaa mid umada Soomaaliyeed dan u ah waxyaabo badanna ka bedelan shirarkii hore ee loo qaban jiray Soomaalida maadaama kulankani ay isugu yimaadeen wadamo kor u dhaafaya 40 oo ka mid ah wadamada waaweyn ee Caalamka.

Sikastaba ha ahaatee shalay ayay aheyd markii uu Magaalada London ka dhacay kulan soconayay saacado oo la isugu keenay Masuuliyiinta Soomaalida iyo wadamo ku yaala Qaaradaha Africa Yurub iyo Ameerica, madaxda qaramada Midoobayna ay goob joog ka ahaayeen.

Casiiso Muuse
SBC International Boosaaso.