Dadweynaha kudhaqan deegaanana Puntland oo walaacii ugudarnaa ka muujiyeey hoos udhaca sarifka laacgaha qolaad.

Waxaa deeganadada Puntland lagadaeareemayaa hoos udhacii ugudarnaa  ee dhanka sarifka lacagaha doolanrka ah.

Waxaa dadweynaha kusugan magaladada Boosaaso ee xaruunta gobolka   Bari ay cabashooyiin  aad udaran maanta ka muujiyeen  sarifka Lacagaha Qalaad oo hoos usiidhacaya maalinba maalinta kadanbaysa.

Sarifkan ayaa maanta ahaa mid ay dadka Boosaaso ku sugan kayaabiyeey oo markii ugu horeysay heerkiisa hoo u dhac gaaray labo malyan oo shilinka somaaliga ah tan iyo sanadihii ugu dambeeyay.

Dhanka kale maciishada daruuriga ayaan iyaduu waxba iska badalin in uu kor usiikacomooye halka uu sarifkuna ahay mid kor hoos u sii dhacaya, taasi oo saameen kuyeeshay guud ahaanba  dadka kusugan Boosaaso,

Mar aan maanta boqasho ku tagnay suuqa weyn ee Boosaaso ayaa waxa laga dheehan karay guud ahaantiisba shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen ganacsatadii ka ganacsanjirtay waxyabihii kala gedisanaa iyagoona sheegay mar ay la hadleen SBC In ay u sameynayaan shaqo joojintan doolarkii oo hoos u dhacay .

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo Dadweyne kale oo markaasi suuqa u soo doontay adeeg ayaa iyaguna sheegay in ay si aad ah uga yaabanyihiin xaaladaha kala gedisan ee uu marayo Sarifka iyo heerarka ay joogaan maciishada qeybeheeda kala gedisan taasna ay ku tilmaameen mid ay siweyn uga xumaadeen.

Sikastaba ha ahaatee Wasiirka wasaaradada ganacsigaga iyo warshadahaha ee Puntland Xasan Farax Jaamac oo wareysi siiyay SBC International ayaa sheegay in sarifkaan maalin walba  hoos udhacaya ay ogtahay dowladada Puntland  ganacsatadana looga baahanyahay in ay gudi soo xuulato si looga wadahadlo ariinkaas .

Casiiso C/kariin Muuse
SBC International Boosaaso