Iyadoo magaalada ay ka dhaceen isbadalo dhanka amanaka ah ka dib markii qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka caasimada laga qabsadey xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa dib u soo laabanaya dadkii kumaanka kun ahaa ee horey uga qaxay deegaanadoodii ka dib dagaaladii cuslaa ee dhexmarey ciidamada dawlada KMG Soomaaliya iyo AMISOM oo isgarabsanaya iyo kuwa AL Shabaab.

Degmooyinka ay dadku dib u soo laabanayaan waxaa ka mid ah Hawlwadaag, Wardhiigley, Hodan & Yaaqshiid, waxanaa lagu arki karey saacadihii la soo dhaafay xaafado ka mid ah degmooyinkaasi gaar ahaan Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka, Geed Jaceyl, Bakaaraha, Xamar Jaiid, Xamar Bille, Siinaay, Towfiiq iyo kuwa kale dad fara badan oo guryahoodii dib ugu soo laabanaya iyo kuwa ku soo laabtey maalmihii la soo dhaafay.

DAAWO SAWIRADA DIBA LOO NOQONAYAA
 

Axmed Aaar
SBC Muqdisho
ahemdaar@live.com