Wadanka Taiwanayaa Maanta looga dareerayaa Doorashada Madaxtinimada wadankaasi oo dadka wadankaasi ay ku soo  dooran doonan hogamiye cusub oo wax ka badalada xaalada dalka.

Tartanka doorasho ee wadanka Taiwan waxaa U tartamaya Hogaanka haatan talada wdanaakasi haya Mr Ma Ying-jeou iyo Hogaanka dhinaca kale ah Ms. Tsai Ing-wen oo ah haweeney ka soo horjeeda siyaasayada madaxweynaha wadanka.

Haweeneydan Dhinaca Mucaaradka ka socota ayaa waxay loolanka ay ugu jirto wadanka ay ku sheegtay inay ugu muhiimsan tahay inay meesha ka saarto xiriir uu madaxweynah haatan la leeyahay DOwlada China iyadoo xustay xiriirkaasi inuu wax u dhimayo madaxbanaanida Wadanka Taiwan.

Madaxweynaha haatan Mr Ma ayaa waxaa uu rajeynayaa in markale la soo doorta Madaxtimiada wadanka Taiwan oo uu soo maamulayay Mudooyinkan.

Doorashada waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah saraakiiha xisbiga madaxweynaha talada wadankaasi soo hayay kuwaasi oo kaalinta sadexaad kaga jira qiyaasta kala horeynta doorashada wadankaasi Taiwan.

Dowlada wadanka Taiwan waxaa soo foodsaaray sannadadii ugu danbeeyay Dhaqaalo xumadi ugu badneyd iyo shaqo lo’aan baahsan oo cirka isku shareertay mudooyinkii danbe.

Madaxweynaha wadanka ee Waqtigiisu dhamaaday ayaa dadka wadankaasi u diray fariin uu ugu sheegayo hadii isaga la doorto in la doortay nabad taasi oo ah fariin digniin huwan.

Khaalid Maxamuud C/raxmaan
SBC International Monitoring