Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ayaa Ra’yigooda ka dhiibtay xiisadaha iyo Mudaaharaadyada ka taagan magaalada Muqdisho kuwaas oo loogaga soo horjeedo in Raiisul wasaaraha DKMG ah Maxamed C/laahi Farmaajo uu xilka ka dego.

Badi dadka ayaa ra’yigooda ku dhiibtay in aanay habooneyn in xilka uu ka dego xiligan la joogo raiisul wasaare Farmaayo, iyagoona intaasi raaciyay in Raiisul wasaaruhu yahay mid siweyn wax uga bedelay xaalada dalka siiba Magaalada Muqdisho intii uu xilka hayay .

Waxay sidoo kale dadku cambaareyn dusha uga tuureen labada Masuul ee Madaxweynaha iyo Raiisul baarlamaka DKMG ah, kuwaas oo ay sheegeen in aysan dooneyn in dalku uu noqdo mid xasiloon islamarkaana nabad iyo dowlad nimo lagu soo dabaalo.

Jawaahir oo ka mid aheyd Dadweyne aad u farabadan oo Ra’yigooda ku dhiibanayay Barnaamijka Nasashada SBC ee ka baxay Idaacada SBC International ayaa sheegtay in ay si aad ah uga xunyihiin xaaladaha qalafsan ee uu dalku ku jiro hadana ay soo baxayaan warar kale oo is qabqabsi iyo xasilooni dari ku abuuraya dalka, waxayna ugu baaqday labada shariif in ay ka laabtaan hadalkii ay heshiiska ku gaareen.[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/06/jawa.mp3|titles=jawa]

Sidoo kale waxay intaasi dadku ku dareen in Farmaajo uu yahay nin wax weyn ka qabtay xaalada dalka Hadii ay Noqonlaheyd dhinacyada Amaanka iyo dib u dhisida qeybo ka mid ah dowlada sida in uu soo celiyay mushaaraadkii ciidanka, kuwii shaqaalaha dowlada iyo weliba dhisida xarumaha dowlada.[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/06/Untitled-5.mp3|titles=Untitled 5]

Dadka qaar ayaa iyana sidoo kale Ra’yigooda ku cabiray in Raiisul wasaruhu ay ka horeeyeen Raiisul wasaare yaal kale oo horay jagadan u baneeyay hadii uu Farmaajo Baneeyana la sugayo Raiisul wasaare kale oo isna sidan oo kale Natiijo la’aan ugaga taga Xafiiska.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/06/sero-to-sero.mp3|titles=sero to sero]

Sikastaba ha ahaatee waxaa 2dii Maalin ee ugu dambeysay ka soconayay qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha dalka Banaan baxyo waaweyn oo ay sameynayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan In uu iscasilo raiisul wasaare Farmaajo .

SBC International News Desk