Dadka ku dhaqan degmooyinka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa kulamo gaar gaar ah wada yeeshay kuwaas oo looga hadlayay arimaha dhaqdhaqaayada Maamulka Soomaaliland uu ka wado goboladaas.

Kulan ka dhacay magaalada Baran islamarkaana ay isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka, Maamulka gobolka iyo ururada Bulshada ayaa loogaga soo saaray baaqyo lagu diidanyahay dhaq dhaqaaqyada doorashooyinka Maamulka la baxay Soomaaliland uu ku doonayo in uu ku keeno goboladaas.

Waxaa ay sheegeen dadkii halkaasi ka hadlay in aanay dooneynin in ay soo guda galaan waxyaabaha maamulkaasi uu doonayo in deegaanadoodu keeno, ama ay ka dhacaan deegaanadooda, iyagoona dadka deegaanka ugu baaqay in ay ka soo horjeestaan oo ay ku banaan baxaan meelkasta oo ay gobolka Ka joogaan.

Saaka magaalada Baran xarunta gobolka Sanaag waxaa ka bilowday banaan baxyo ay dadku isugu soo baxayaan goobaha fagaareyaasha ah, halkaas oo ay ku muujinayeen diidmadooda ku aadan faragelinta Maamulka Soomaalidiidka ahi ka wado gobolkooda.

Maamulka Soomaaliland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday ololeyaasha ay sameynayaan ururada siyaasadeed eek a jira kuwaasi oo ku aadan doorashooyinka degmooyinka Maamulkaasi.

Sikastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyo ay dareemeen shacabka goboladaas ayaa uu maamulkaasi ka bilaabay goboladaas taasina waxaa maanta si diiran uga hadlay Maamulka Puntland.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Garoowe