Labadii Maalin ee ugu dambeeyay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose waxaa ka soconayay dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaas oo kala taabacsan saraakiil horey gobolka u maamuli jirtay oo uu ka mid yahay Siyaasiga lagu magacaabo Bari Aadan Shire Hiiraale oo isagu dhowaan gaaray Magaaladaas iyo kuwo ka tirsan Maamulka iminka ka arimiya Kismaayo ee Raaskambooniyiinta.

Sida ay wararku qeexayaan Shacabka gobolka ayaa dareen gaar ah ka qaaday ciidamadan isdhex boodaya iyadoo ka cabsi qaba in uu dhexmaro isku dhac inkatoo xaaladu tahay mid degen oo aan saan saan colaadeed oo aad u sareysa wadanin.

Maalmihii ugu dambeeyay ayay ku qul qulayeen gudaha Kismaayo ciidamo kala taabacsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo saraakiishan siyaasiyiinta ah, waxaana horay ugu sugnaa cudud ciidan oo ay ka mid yihiin kuwa Maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe iyo kuwa Amisom ee Kenya ka socda.

Siyaasiyiin ku xeeldheer xaaladaha Kismaayo ayaa iyaga dhankooda sheegay in xaaladani tahay mid cabsi ku abuurtay Shacabka Maamulka KMG ah ee Kismaayo waxayna xuseen in kismaayo tahay Magaalo u nugul isku dhacyada marba hadii ay isugu yimaadeen ciidamo kala taabacsan dhinacyo kale

Dhinaca kale Magaalada Kismaayo waxaa ka socda Shirkii maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, kaa soo maraya heer gabo gabo ah, inkastoo mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayeen is qabqabsi u dhexeeya qaarkood garabyada ka qeyb galaya shirka taas oo ku aadan soo magacaabista ninkii ugaga qeyb gali lahaa doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

SBC International Kismaayo