Dadka Kismaayo oo cabsi ka muujiyay Duqeymaha dhanka badda ee magaaladaas ka dhacay

Dadka rayidka ah ee ku dhaqan qeyb ka mid ah Xaafadaha xeebta ku teedsan ee magaalada Kismaayo xarunta gobolkaasi Jubada hoose ayaa muujinaya cabsi xoogan oo ay ka qabaan maraakiib maalmihii ugu dambeeyay ku soo dhawaanayay xeebta magaalada islamarkaana geysanaya duqeymo .

Inkastoo Aaladaha duqeymaha geysanaya aysan maraakiibtaasi keliya ku aheyn ee ay jiran diyaarado iyana duqaymo ka geystay magaalada ayaa hadana dadku waxay cabsi ka qabaan dhanka badda iyagoona qaarkood bilaabay in ay ka cararaan goobaha ku dhow halka la is orankaro way beegsan karaan maraakibtaasi.

Wariyaha SBC ee Gobolada Jubooyinka waxa uu soo sheegayaa in magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadaha ku yaala dhinaca badda ay dadku ka qaxayaan iyagoona beegsanaya goobo kale oo magaalada ka tirsan.

Xaalada magaalada ayaa kacsan iyadoo dhinacoodana Maamulka ka jira halkaas ee Xarakada Alshabaab wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo isku abaabul dagaal oo siweyn loogaga dareemayo magaalada maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo xoogan ka dhacayeen deegaano u dhow magaalada Kismaayo.

Inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay duqeymo saacadihii la soo dhaafay ay ka geysanayeen gudaha Magaaladaas Diyaarado dagaal iyo maraakiib hadana waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan khasaare haba u badnaadee mid dhaawac.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa iyagu ay muuqataa in iminka ay adeegsanayaan dhinacyo badan sida Badda, Beriga iyo Cirka, waxayna waayadii ugu dambeysay qalabka warbaahinta ka sheegayeen in ay ka go’antahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Xarunta u ah gobolkaasi ee Kismaayo.

SBC International Muqdisho

Daalacatey :336

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print