Dadka ku dhaqan deegaanka Buurdhuubo iyo xareeraheeda ayaa cabsi xoogan ka muujiyay dagaalo saacadaha soosocda halkaasi ku dhexmara labada dhinac ee maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayay gobolka waa DKMG ah iyo Xarakada Alshabaab .

Dadka ayaa bilaabay cabsi daraadeed in ay ka barakacaan guryahooda iyagoona fooda saaraya deegaanada Miyiga ah ee ka agdhow gobolka, waxaana sidoo kale qaarkood lagu arki karaa iyagoo ku raran gaadiidka rakaabka islamarkaana u u socdaalaya degmooyin kale oo ay ka mid tahay Baar dheere inkastoo ay laf ahaanteedaba magaaladaas ka jirto cabsi xoogan.

Barakaca iyo cabsida ay muujinayaan dadka Buurdhuubo ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in ciidamada DKMG ah ee ku sugan Garbahaareer ay bilaabeen in ay u soo ruqaan sadaan dhanka Degmada Buurdhuubo iyagoona u jeedadoodu tahay in halkaasi ay kala wareegaan xarakada Alshabaab iyagoona horay saxaafada ugu sheegay in ay ku wajahan yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo.

Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna waljameeca oo isku dhinac ah ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka Gedo iyagoona maalmo un ka hor si toos ah dagaal aan dhiig ku daadan kula wareegay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka.

Maxamed C/laahi
SBC International Muqdisho.