Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle Xarunta gobolka Ceyn ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka socdaan Banaan baxyo ay sameynayaan dadka deegaankaasi ku dhaqan kaasi oo loogaga soo horjeedo Joogitaanka qeybo ka mid ah gobolka Ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland.

Wariyaha SBC ee Buuhoodle ayaa soo sheegaya in dad weyne aad u tiro badan ay isugu soo bexeen afaafka hore ee magaalada iyagoona muujinaya sida ay uga xun yihiin ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland oo ku sugan deegaanka lagu magacaabo Sooljoogtoo ay ka hor fadhiyaan biyihii dadka deegaankaasi.

Shacuurta Shacabka isu soo baxay ayaa ah mid si weyn u kacsan iyagoona ku dhawaaqaya ereyo xambaarsan dhiilo iyo dagaalan ay u qabaan ciidamada Maamulka Soomaaliland waxaana laga cabsi qabaa in qaarkood oo u gudbay jiida hore ay galaan dagaal .

Waxaa lagu dhawaaqay goor hore oo saaka ah in banaan baxani uu socon doono mudo 10 maalin ah ayna xirdhnaan doonaan goobaha ganacsi ee magaalada iyo weliba suuqyada waaweyn iyadoo taasi looga gol leeyahay sidii meel qudha looga soo wada jeesan lahaa diidmada Maamulka Soomaalidiidka ah waa sida ay hadalka loo dhigaye.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa fariisin ka dhigtay goob baliyo ah oo ay biyaha ka cabaan dadka deegaanka Buuhoodle iyo reermiyigaba, waxaana ay ka baaqsadeen dadka rayidka ah biyihii ay halkaasi u doonan jireen iyagoona ay sheegeen ciidamada Soomaaliland in aan loo soo gudbi Karin dhinacooda.

Dagaalo soo laa laabtay ayaa ka dhacay deegaanadaas kaasi oo dhex maray ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo dadweynaha taageersan maamulka cusub ee Khaatumo kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad badan .

Cali Cismaan
SBC International Cayn