Wararka ka imanaya degmada Godob jiiraan ee gobolkaasi Nugaal ayaa sheegaya in qarax halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen ku dhowaad 5 qof oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal.

Gudoomiye ku xigeenka Godob Jiraan Maxamed Axmed Faarax ayaa Warqabadka SBC international u xaqiijiyay Jiritaanka Qaraxaas isagoona sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay markii nin maskaxda ka jiran uu ku qarxiyay guryo ku uyaala duleedka Magaalada.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ninkan madaxa laga hayay uu dhowaan deegaanka yimid isagoo wata waxyaabaha qarxa islamarkaana uu dad ka tirsan deegaanka ugu hanjabi jiray in uu ku waxyeeleynayo.

Waxa uu intaasi ku daray Maxamed Axmed Gudoomiye ku xigeenka Godobjiiraan In ay ka dambeysay ninkan waalan in uu qarxiyo Mabka uu watay ka dibmarkii odayaal ka mid ahaa odayaasha uu ka soo jeedo ay goosteen Go’aanka ah in ay ka qaadaan bamka, kuwaasi oo ka mid ahaa Dadkii dhintay,

“Odayaasha ayaa isku dayay in ay ka qaadaan Bamka, iyagoona Xalay qabtay goob uu ku hoyan jiray ninkan Madaxa ka xanuunsan balse Nasiib daro uu ku kacay ka dibna uu qaraxii qarxiyay” Ayaa ka mid ahaa hadalka gudoomiye Xiyeenka.

Dad tiradooda ay gaareyso 5 Qof ayaa ku dhintay Qaraxa oo uu ku jiro ninkii waalnaa, iyadoona uu sidoo kale ku jiray wiil yar oo goobta la hurtay ninka iyo 3da oday ee doonayay in ay ninka Bamka ka qaadaan.

Ilo goob joogayaal ah oo ku sugan Degmadaasi ayaa sidoo kale SBC u sheegay in ninkani maalmihii ugu dambeysay uu fara kulul ku hayay deegaanka isagoona ugu hanjabaya Bamka isagoona dhacdadii ugu dambeysay uu falal amaan xumi kula kacay nin ka tirsan dadka deegaanka.

SBC International News