Munaasabada caanka ah ee World Village Festival  oo dabaaldeg sanad kasta lagu qabto magaalada Helsink ee caasimada Finland oo ay ka soo qayb galaan dadyow kala duwan oo aduunka ku kala dhaqan kuwaasi oo ku soo bandhiga xafladaasi hidaha iyo dhaqankooda, gaar ahaan waa soo bandhiga  Xaafadaha Aduunka. Dabaaldegan waxaa soo qaban qaabisa Hay’adda KEPA oo ah hay’add ka shaqaysa horumarka Ururada.

Hay’adda KEPA waxay sanad kasta qaban qaabisaa bandhiga ay ka soo qayb galaan dhamaan Qoow-miyadaha  Aduunka iyo sidoo kale shirkadaha & Ururada .

Waxa 28 ilaa 29 bisha shanaad ay Hay’adda KEPA qabatay waxa loogu yeero  World Villege Festival oo ah isdhex-gelka  Xaafadaha Aduunka oo ah barnaamij aad u wanaagan oo ay ka soo qayb galaan dhamaan Qoow-miyadha kunool Finland iyo dad yow kale oo iyaguna marti ahaan ku yimaada si ay uga qayb galaan bandhigan oo sanadkiiba mar La qabto

 Waxaan soo maray goobta bandhiga ka socday iyadoo  halkaasi aan kula kulmay qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland  waxaana ka mid ahaa Siciid Jaamac oo ah xubin u shaqeeya Hay’adda IOM isagoo bandhigaasi u matayey hay’adda IOM

Waxaan  sidoo kale aan la Kulmay Batuulo Maxamed oo ayaduna ka mid ah Gabadhaha Soomaaliyeed oo Finland ku noo ka mid ah Kal-kaaliyasha caafimaadka ee wax ka bartay Finland  oo  iyadana goobta u matalaysay Hay’adda u qaabilsan wadanka Finladn la dagalanta cudurka HIV-Aids.

Hay’addihii bandhiga ka qayb galay waxaa ka mid ahaa UN- UNHCR,  UNDP, UNICEF, UN Women , IOM, EU, ICRC, Red-Carose, Kepa, Afican Women.  HIV-Aids,Metro,  HSL, SASK, Moniheli, SDP,SSl-ry  SSN-ry iyo kuwo kale oo farabadan

Xafladan ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen kummunaan qofood oo kala gadisan iyagoo mid waliba ay ka muuqato ku qanac-sanaan soo bandhigida World Village Festival oo ay soo qaban qaabisay hay,adda Kepa oo ah hay,ad weyn oo caawisa Ururada ka diiwaan gashan dalka Finland.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Bashiir ( Maxamed Info)
SBC Helsinki-Finland