Munaasabad balaaran oo ku aadan xuska sanadguurada 34-aad ee ka soo wareegtey xoriyadii wadanka Jabuuti markii uu ka qaatey guumeystihii Faransiiska ayaa maanta lagu qabtey magaalada Jibuuti ee caasimada wadankaasi.

Dabaaldegan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka socotey wadamada saaxiibka & jaarka la ah wadanka Jibuuti ayaa waxaa ka mid ahaa madaxdii ka soo qayb gashey Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Sharii Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jibuuti khudbad dheer oo uu ka jeediyey fagaaraha dabaaldegu ka socdey ayaa wuxuu si weyn ugu dheeraaday xaalada Soomaaliya, isagoo sheegay in xaalada Soomaaliya ka jirta ay tahay xasuuq maadama shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan dagaalo & abaaro, waxaana uu muujiyey in shacabka Jibuuti ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sheegay in shacabka Jibuuti aysan waligood hilmaami doonin alaabkii ay u galeen shacabka Soomaaliyeed, xiligii ummada Jibuuti u halgamay xoriyada ay maanta u dabaaldegayaan, wuxuuna taasi badalkeedii sheegay in ummada Jibuuti aanay waxba ka hagran doonin ummada Soomaaliyeed iyo sidii ay ku gaari lahaayeen dawladnimo & nabad buuxda.

Geelle wuxuu sheegay in dalkiisu ay si weyn u saameynayso xaaladaha deganaansho la’aan ee ka taagan wadamada Yemen & Soomaaliya ee ay dariska yihiin Jibuuti.

Madaxweynaha Jibuuti wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha ama madaxda Soomaaliyeed inay muujiyaan isu tanaasul oo ay ka damqadaan dhibaatada haysata ummadooda ayna u soo jeestaan sidii loo gaari lahaa xal siyaasadeed oo waara.

DAAWO SAWIRADA

Fartuun Cali Axmed
SBC International Jibuuti