Maamulka Puntland iyo Shacabkiisa ayaa maanta si wayn ugu dabaaldegay 14 guradii ka soo wareegtay Markii la asasay Maamulka Puntland 1998 kadib markii dad reer Puntland oo hormuud uahayeen Oday dhaqamedyadu ay dhisteen Mamulka Maanta ay u dabaal dagayaan dhismihiisa,
Munasabado badan oo lagu xusayey Maalintan iyada ah ayaa lagu qabtay Dhamaan Magaalooyinka waa wayn ee Puntland ayna ka mid ahayd Xarunta Puntland ee Garoowe, iyadoo saaka wabarigii ay dadwaynuhu ugala qayb qaateen Cidamada Puntland qaybihiisa kala gadisan Dabaaldega,
Sidoo kale waxaa socodka kaga qayb qaatay qayb ka aha Ururadda Bulshadda Ardayda iskuulada ilaa heer jamacadeed, Isportiska, Shaqalaha Dowlada, iyo barakacayaasha ka yimid koonfurta, Fardoley, kooxda baskilada, mootooyink,a dhamaan dadkaan ayaa loogu soo labisay dharmidabo kala gedisan leh oo aad loo soo qurxiyey,
Markii dambe waxay dadkaasi isuguyimaadeen Barxada wayn halkaas oo madaxda Dowladu ayagoo lug kaga soo baxay Xarunta madaxtooyada kala qayb qaatay Dabaldaga Dadwaynaha iyagoo ugu dambeyntii u jeediyay qudbado quseeya maalintan.
Shucurta dadka ayaa ahayd markii koox waliba maraysay mid aad u sareysa iyagoona ku dhawaaqayay ereyo ku haboon maalinta xuska sanadguurada 14naad ee Puntland, waxaana Markii socodku soodhamaday waxaa lahadlay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole uu hadal kob u jeediyay boqolaakii qof oo ugu hanbaleyey sanadkan sanadkiisa in ay bash bash iyo barwaqo ku garaan teeda kale.
Sido kale Madaxwaynaha oo wajigiisa laga Dheehan karay farxad wayn ayaa uga mahad celiyay soo qaban qaabiyashii Xuska, Iyadoo caawana lagu wado in xaflad balaran lagu qabto Xarunta Madaxtooyada oo madaxda Puntland ay dib ugu dhigteen qudbadii ay mantajeedin lahayeen,
Xuskaani waxaa uu ahaa maanta mid si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb qadanayeen wax ale iyo wixi lays oran karaa waxaysamaynayaan muqaal wanagsan oo dadku sooxirteen iyadoo maantana dhamaan ay fasaxahayeen Shaqalaha Dowlada Iskuulaadka isla markaasna lagu jiray bil Ramadan oodadka ay wada sooman yihiin marka laga reebo caruurta iyo dadka wayelka ah ooaan awoodin ramadanka.
Cabdi Naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe