Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Somalialdn ayaa sheegaya in dab xoogan oo khasaare nafeed geystey uu ka dhacay magaalada Goljano ee magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaa waxaa ku basbeelay 32 guri oo ahaa cooshado & buulal waxaana la xaqiijiyey in ilmo yar uu ku geeriyooday dabkaasi, waxaana dhaawac fudud uu soo gaarey laba qof oo mid ka mid uu ahaa Aabaha ilmaha yar ee geeriyooday.

Taliyaha Booliiska Somalinad Cilmi Rooble  ayaa xaqiijiyey in ilmaha yare ee geeriyoodey uu ku dhintey buush si ba’an u gubtey, waxaana sidoo kale uu sheegay in dabku uu gabi ahaanba baabi’yey buushash ay ku noolaayeen dad sabool ah.

Gubashda dabkan ayaa waxaa iska kaashaday oo u yaacay Dadweyne aad u tiro badan, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland, waxaana dabkaasi dibintiisa loo adeedsanayey caagado & baaldiyayaasha gacanta oo biyo lagu dhaaminayey, halka booyado dhawr ah ay soo gaareen goobta si ay uga qayb qaataan daminta dabkan.

Dababka ka kacaya xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa isa soo taraya iyadoo bishii hore ee March dab ka kacay xaafada Gacan-Libaax ee magaaalda Hargeysa ay ku gubteen 28 guri.

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujiyey dabka isa soo taraya ee ka kacaya xaafadaha magaalada Hargeysa, iyadoo aanu jirin wax damb damis ah oo maamulku leeyahay oo halkaasi ka hawlgala marka laga reebo sadex dab damis oo mid ka mid ay leedashay shirkada Dhabshiil.

SBC News Desk