Abaare shakhdhexe Habeennimadii Xalay Xerada Barakacayaash ay degen yihiin ee Boqolka Buush ee ku taala gudaha Magaalada Boosaaso waxaa ka kacay dab xoogleh oo dhulka dhigay guryo ay degenaayeen boqolaal qoys oo barakacayaal ah,

Dabkaasi waxa uu sidoo kale Sababay geerida hal qof oo sida la sheegay ahaa ilmo yar oo da’diisa lagu sheegay 4sano jir .

Hay’adda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC ayaa wariye yaasheedu tageen xeradaasi waxaana ay kula kulmeen qoysas aad u tiro badan oo banaanka daadsan iyagoo aanay jirin goob ay ka galaan qoraxda.

Deeq Xasan Cali waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta Kaamka Boqolka buush waxaana aan weydiinay sababaha kasabtay in dambkani uu kaco, waxaany sheegay in aanay ilaa iyo iminka ogeyn balse ay jiraan tuhuno ay ka qabaan nin ay gacanta ku dhigeen laamaha amaanka Kaamka ee uu isagu hormuud ka yahay.

Waxa uu sheegay in loo maleynayo in ninkani uu ka dambeeyay gubashada guryahan oo markoodii horeba cooshado ka sameysnaa.

Haween iyo caruur isdhex fadhiyay ayaa sidoo kale la hadlay warbaahinta waxayna sheegeen in dhamaan hantidoodii yareed ee ugu jiray aqalkii cooshadaha ka sameysnaa ee ay degenaayeen ay ka basbeeleen iminkadana ay ku soo dheceen goob banaan oo cidlo ah.

Waxay ugu baaqeen Hay’adaha Gargaarka bixiya, Ganacsatada, dhamaan dadka waxheysta in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah, haba ugu horeysee wax ay biishaan ama quutaan saacadaha soo socda iyo hoy ay ka galaan dhaxanta habeenkii.

DSC01501 DSC01502 DSC01512 DSC01515 DSC01520 DSC01522 DSC01542 DSC01547 DSC01550 DSC01552

SBC International News Desk