Dagaal aad u culus oo dhimasho & dhaawac sababay ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland & maleeshiyaad hubaysan oo ay dawladu ku sheegtey inay yihiin argagixiso hase yeeshee warar kale ay xusayaan inay ka soo jeedaan mid ka mid ah beelaha gobolka dega.

Dagaalka cusub ayaa saaka ka qarxay goobihii shaley lagu dagaalamayey sida Cagaarwayen & Garsoor waxaana sii kordhaya tirada dhimashada & dhaawaca dagaalku uu sababaye.

Dagaalkii shaley inta la ogyahay waxaa ku dhintey 10 waxaa ku dhaawacmey ku dhawaad 20 kale waxaa dadka dhintey ay u badan yihiin dhinacyada dagaalamaya inkastoo ay jiraan dad ay haleeshay rasaas wiifto & madaafiic shiish wareertey oo ku habsatey dad rayid.

Wararka laga helayo dhanka Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa rasaasta ka socota Waqooyiga magaalada ay u soo talaabtey dhanka Koonfurta waxaana shaley ku geeriyootey haweenay halka dhaawacyo kale ay jiraan.

Dagaalada kale ee maanta qarxay ayaa ahaa kuwa aad uga xoogan kuwii shaley maadama labada dhinac  ay aad isugu diyaareen dagaalka maanta oo ay si weyn isagu hub urursadeen.

Goobjoogayaasha aagaga dagaalku ka aloosan yahay ayaa u sheegay SBC in dagaalka saaka ka qarxay xaafadaha Gaalkacyo la isku adeegsanayo gaadiidka dagaalka isla markaana madaafiic la isku adeegsadey, waxaa la soo sheegayaa madaafiic sida hoobiyeyaasha, Jiibka 106, & qoryaha lidka diyaaradaha sida Zu23 & 37 ay ku dhaceen goobo ay degan yihiin dad rayid ah, isla markaana ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.

Tirada dadka dagaalka maanta ku dhintey ayaa wararku sheegayaan inay gaarayso 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof, waxaa ku jira dadka dhimashada & dhaawacu soo gaaray dad ku suganaa Koonfurta Magaalada kuwaasi oo ay qaarkood ku habsadeen madaafiicda halkaasi u talaabtey.

Sababta dagaalka & cida uu dhexmarayo

Dawlada Puntland masuuliyiin ka tirsan waxay dagaalka ku macneeyeen mid ka dhan ah “Kooxo aragagixiso ah” sida hadalka loo yiri, waxaana dagaalka uu yimid xili ciidamada Booliiska ay qaadeen hawlgalo amaan sugid ah oo ka dhan ah kooxaha la aaminsan yahay inay rabshadaha ka geysanayaan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dilalka dadka waxgalka ah loo geysanayo.

Maamulka Gobolka & kan dhexe waxay labaduba shaaciyeen inay Al-Shabaab kula dagaalamayaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, isla markaana kooxo dool ah oo ka soo cararay sida hadalka lagu xusey Muqdisho ay ku dhuumaaleysanayaan goobaha la tuhunsan yahay, isla markaana dhalinyaro kale oo deegaanka ka soo jeeda oo fikrado kale aaminsan ay qayb ka yihiin dilalka ka socda magaalada Gaalkacyo, sidaasina loo go’aamiyey in dagaal lagu qaado kooxahaasi.

Dagaalku wuxuu shaley qarxay ka dib markii ciidamadu isku dayeen inay soo qabtaan nin lagu tilmaamay in uu udub dhexaad u yahay qaska & dilalka Gaalkacyo sida saraakiisha dawladu ku eedeeyeen, ninkaasi oo warar SBC ay heshay sheegayaan in uu ku leeyahay xaafada Garsoor Studio cajaladaha diiniga lagu duubo wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka soo jeedo gobolada Baay & Bakool, hase yeeshee cadeyn buuxda SBC ma helin.

Warar laga helay dad ku sugan xaafada Garsoor oo codadey inaan magacooda saxaafada laga sheegin sababo amaan waxay sheegeen in ninkaasi ay shaley difaaceen maleeshiyaad hubaysan oo sida warar aan la xaqiijin sheegayaan ka soo jeeda beel degta gobolka.

Waxaa jira warar sheegaya in ninkii la doonayey uu ku dhintey iska horimaadkii shaley hase yeeshee arintaasi xaqiijinteeda ayaan ku raad ku joognaa, sidoo kale waxaa jira warar tibaaxaya in sarkaal ka mid ah ciidamada Booliiska uu ku dhaawacmey dirirtii shaley, laakiin ma jirto cadeyn dhanka dawlada ama taliska ciidamada laga helay.

Warar SBC xooraansi ku heshay waxay sheegayaan in dagaalka maanta uu yeeshay waji ka duwan kii shaley oo ay ciidamada Booliisku la galeen kooxo lagu tilmaamay argagixiso, hase yeeshee ilo wareed oo la isku haleyn karo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin maleeshiyo qabaa’il oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha gobolka dega.

Dagaalka saaka ayaa dib u qarxay ka dib markii maleeshiyaadka hubaysan ee ciidamada dawlada la dagaalamaya ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada amaanka ka sameysteen goobihii shaley lagu dagaalamay, kuwaasi oo diidan joogitaanka ciidamada ee xaafadaha lagu dagaalamay.

Daawo Warbixin muuqaal ah oo ku saabsan dagaalkii shaley ka dhacay magaalada.

DAAWO

Wixii warar ah eeku soo kordha dagaalka kala soco SBC.