Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax xoogan oo si weyn looga maqlay qaybo badan oo ka mid ah magaalada kaasi oo ninkii qaraxaasi watey kula qarxay intii aanu gaarin sida la aamisan yahay halkii lala damacsanaaa.

Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyoodey oo kaliya ninkii watey oo isagu watey gaari yar oo ah noocada Toyotota 4×4 ah, waxaana la yaab leh in qaraxaasi ninkii uu kula qarxay isagoo gaarigu socdo agagaaraha Jaamacadaha.

Nin sheegay in uu ahaa ragga ka ganacsada Geella ee Suuqa xoolaha Muqdisho oo ninka qaraxa watey uu wadada ka soo qaaday iyaan qaraxaasi waxba ka soo gaarin isagoo saxaafada la hadley ayuu sheegay in ninka gaariga watey uu gacanta u taagey uuna ka codsadey in uu sii qaado isagoo ka yeeelay isagoo sheegay inaanu ka dareemin wax ififaalo fal uu damacsan yahay.

 

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO