Qasriga  Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ayaa xalay waxaa ka dhacday xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya , Madaxweynaha Maamulka Jubb-Land iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya iyo Weftiyo kala duwan oo ay kala hoggaaminayeen oo Dhammaantoodba u yimi caasimadda Puntland ee Garoowe  Madasha  Shirka wada tashiga dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka soomaaliya.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamula Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladdaha Puntland iyo federaalka ,iyo maamulada Jubba-Land iyo Koonfur-Galbeed Soomaaliya isimo, waxgarad, Haween iyo Marti sharaf kale.

Furitaanka xafladda ayaa kooxda Waaberi Puntland waxaa ay ku soo bandhigeenriwaayad iyo heeso wadani ah kuwaasi oo lagu soo dhaweynayey islamar ahaantaana lagula dardaarmayey Madaxda madasha isugu timi siday uga shaqayn lahaayeen isu keenidda ummadda soomaaliyeed ee colaaduhu hala keeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xafladda isla markaasina cabiray dareeenkiisa ku aaddan soodhoweynta madaxda soomaaliyeed ayaa sheegey,

”Farxad weyn bay nootahay Puntland ahaan inaanu marti gelino madasha shirka wadatashiga soomaaliyeed ee labadii beri ee lasoo dhaafay socdey  ilaa beritana aan rajeynayo inuu socdo, wax miradhal ah oo dhaxal gal ah horseedayana mid-nimo soomaaliyed, qaraannimo soomaaliyeed iyo guul soomaaliyeed inay kasoo baxaan ayaan raynayaa ” Ayuu yir Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee laga hadlayey ay kamid tahay dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliya oo dhan hanan kara isla mar ahaantaana dalka oo dhan ka sifayn kara kooxaha budh-cad diimeedka ah ee alshabaab kuna soo dabbaali kara dalka xasilooni iyo kala dambayn.

“Waxaa la ogaadey runtii in soomaaliya haddii larabo inay qaran ahaato , haddii la rabo sharaftii ay lahaan jirtey inay yeelato , inay muhiim tahay in lahelo ciidan soomaaliyeed oo cadow dibad iyo gudeba ka difaaca soomaaliya”

” Nasiib darro weeye inaan maanta niraahno waxaa noosoo gurmadey Siiraliyoon iyo Burundi oo soomaaliya difaacaya oo shabaab kacelinaya oo kasuulinaya ilama aha aniga iimana muuqato umana eka ilaa lahelo ciidankaa soomaaliyeedna uma eka in lahelaayo qarannimo soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Gaas ayaa mar uu ka hadlayey dhismaha maamullada dalka kajira iyo kuwa cusub ee imminka lasamayanayaba waxa uu ku nuux-nuuxsaday  sida ay muhiim utahay in la dardargeliyo dhismohooda si loo gaadho horumar ballaadhan  sidoo kalena waxaa uu caddeyey madaxweyne Gaas siyaasaddiisa kaga aadan maamul usamaynta gobollada dhexe.

“Arrinta maamul usamaynta gobollada dhexe maxay tahay fikirka Puntland ay kaqabtaa, Halkaan heshiis ay ku galeen dawladda federaalka iyo dawladda Puntland October 4 2014 xilligaas oo uu nooyimi Raysul-wasaare Cabdiweli Sheekh Madaxweyne Xasan Shiikhna waa uu taageeray, annagu marka waxaan leenahay Bariga Mudug,Galbeedka Mudug iyo Woqooyiga Mudug intuba waa Puntland, Koonfurta Mudug sheegan mayno, waxaa maamulka loodhisayaahi waxaa weeye sidaan annagu aaminsanahay koonfurta Mudug iyo Galguduud weeye” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land , Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyaa ayaa uga mahadceliyey soodhoweynta iyo maamuuska ballaadhan oo ay usameeyeen iyagoona ku ammaanay horumarada ay Puntland kagaadhey dhinacyada dhisamaha dalka iyo sugidda nabadgelyada, sidoo kalena waxay sheegeen inay Puntland tusaale cad u tahay soomaali inteeda kale ayna kudayasho mudan yihiin.

Daawo Sawiradda:

IMG_9229 IMG_9235 IMG_9240 IMG_9258 IMG_9262 IMG_9267 IMG_9268 IMG_9271 IMG_9277 IMG_9282 IMG_9295 IMG_9296 IMG_9298 IMG_9304 IMG_9312 IMG_9319 IMG_9327 IMG_9328 IMG_9351 IMG_9377 IMG_9379 IMG_9382 IMG_9391 IMG_9401 IMG_9421 IMG_9423 IMG_9426 IMG_9432 IMG_9439 IMG_9454 IMG_9457 IMG_9458 IMG_9460 IMG_9503 IMG_9505 IMG_9508 IMG_9518 IMG_9523 IMG_9532 IMG_9540 IMG_9552 IMG_9558 IMG_9562 IMG_9566 IMG_9570 IMG_9576 IMG_9583 IMG_9587 IMG_9600 IMG_9602 IMG_9612 IMG_9634 IMG_9637 IMG_9640 IMG_9659 IMG_9697 IMG_9710 IMG_9712