Magalada Garowe waxaa ay maanta kala sinnayd Dunida muslimiinta ah Idul Fidriga, waxaana Boqolaal dadwayne ah ayaa isugu soo baxay fagaara wayn ee Garoonka kubada cagta Ee Mire Awaare  iyadoo salada Ciida loo asteeyay  Garoonka Kubada Cagta ayna kala qayb galeen Dadwaynaha Madaxda Puntland ugu saraysa oo uu ka mid ahaa Madaxwaynaha Puntland, Ku xigeenkiisa, Gudoonka sare ee Barlamanka iyo dhaman Xubnaha Golayaasha Dowlada ,

Inta aan loo guda galin salada dadkuna ay iska soo gudeen  Fidradii ayaa qudbadaha maanta laga soo jeediyay waxaa ay u badnayeen Dhanka amaanka oo culumada iyo Masuuliyiinta Maamulku ay uga faa’ideysteen isu soo baxa Idilfidriga

Sheikh Axmed Daahir waxaa uu ka mid ahaa Culumada ka hadashay Iida isagoo ku dheeraday Dilalka micno darada ah ee loo gaysanayo Masuliyinkta iyo dadka kale ee biri ma gaydada ah  waxaana uu tilmamay Nabadu qiimaha ay leedahay marka la haysto iyo marka kale ayna tahay bulshada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay ilaaliyaan.

Islan Ciise Islam maxamed Waxaa uu isna dhiniicsa dadka iyo Mamaulkaba ku guubabiyey ka qayb galka iyo si wadajira in wax looga qabtay .

Wasirka Caddalada Diinta iyo awqaafta Abdi khalif Xaji Xasan Ajayo waxaa uu isna dhinciisa dadka u sheegay in ay dadka wax la siiyo madama ay tahay malin iida oo dadku wada faraxsanyihiin .

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan MaxamedMaxamud Faroole oo isna dadka la hadlay ayaa qudbadiisa kaga hadlay dhanka amaanka iyo dilalkii ka dhacay Puntland ee ugu danbeeyay, isagoona soo hadal qaaday arimaha Dowlada Cusub ee loo sameynayo Soomaaliya gaar ahaan waxa uu ka hadlay Barlamanka Cusub ee Somaliya uu yeelanayo

Dadka maanta waxaa ay u ahaydmaalin wayn aadna ay u farax sanayeen marka loogena iidihii hore waxaa ay kagaduwanayd hal mar ayaa la wada iiday oo wax khilafa ma uusan jirin

Caruurta iyo dhalinyarada habaugu badnaden dadka Lagu arkey Magalada Gudaheeda waxaa ay ku labisnayeen Dharcusub oo aad u qurux badan marxabayntuna waa ay dhinac socotay halka Caruurtunaay ky ciyarayeen alaba iida sida bonbalay sha baskoladah baruurada iyo buufinada  .

Sawiro

















C/naasir Yaasin Salaad
SBC International Garoowe