Boqolaal Dadweyna Ayaa Maanta isugu Soo Baxay magaalada Bosaso Kuwaas oo Weynaynayey Maalinta Koowaad Ee Ciidula Fidriga Dadkan Ayaa Waxaa Kamuuqatay Farxad aad uweyn Maadama Ay Si Nabad Ah Ku Dhamaeysteen Bishii Barakaysneyd Ee Ramadaan.
Dad Aad Uafara Badan Ayaa Isugu Yimi Garoonka Kubada Cagta Eee Magaalada Bosaso Si ay Ugu Tukadaan Salaad Ciida Sidoo Kale Waxaa Halkaasi Goob Joog ahaa Masuuliyiita degmada Bosaso iyo Maamulka Gobolka Bari isimo Culimo,awdiin iyo Boqolaal Ad aad Ufaraxasan.
Salaada Kadib Ayaa Waxaa Madasha Hadalo Kooban Kajeediyay Madaxda Dawlada Cullimo iyo Isimo.
Sheekh Yuusuf Reeryo oo Kamida Culimada ugu Caansan Deegaanada Puntlan ayaa Shucuubta Islaamaka Gaar ahaan kuwa Somaliyeed ug Hambalyeyay Munaasabada Ciida isagoo Sheegay Shiikhu In Ciidan Ay Kamid Tahay Ciidaha Islaamaka Wuxuuna Dadkii Madasha Kasoo Qayb Galay Ku Booriyay in ay Waxtaraan Dadka Aan Haysan Waxay Kuciidaan Sida Ganacsata iyo Dawlada oo ugu Yeeray in ay Dadkaas Waxtaraan.
Sidoo Kale Waxaa Isna Goobta Kahadlay Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo Isna Munaasabada Ciida Shacbka Reer Bosaso ugu Ham Balyeyay Isagoona Dadka Muslimiinta ah Ku amaanay Sidii ay usoo Guteen Mid Kamida Arkaanta ISlaamka Kaas oo aha Ramadaanka.
Xasan Cabdalle Duqa Bosaso Wuxuu Ganacsatada Ugu Yeeray In Ay Maanta Ka Farxiyaan Dadka Barakacayaasha ah Maxaabiista iyo Dadka aan Waxba Haysan .
Yuusuf Muumin Bide Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Bari Ayaa Isna Munaasabada Ciida ugu Hambalyeyay Shacba Reer Puntland Isaga oo Sheegay In uu Shacabka Gobolka Bari uga Sido Salaan uu Soo Diray Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud.
Ugu Danbeytii Waxaa Munaasabada Soo Xiray Suldaan Bashiir muuse Kawnte oo Kamida Salaadiinta Puntland Wuxuu isna Shacbka Reer Putland ugu Hambalyeyay Munaasabada Ciida Wuxuuna Sidookale Suldanku Shacabka Ku Booriyay Ka Shaqaynta Amaanka.
Magaalada Bosaso Ayaa Maanta Siwanaagsan Looga Ciiday Iyadoo Wadooyinka Waaweyn ee Magaaladana Ay isugu Soo Baxeen Boqolaal Dad Weyna ah .
Daalacatey :1495