Markabka Oo Isniintii Laga Qafaashay Xeebaha Degmadda Caluula ee Gobolka Bari, Ee Puntland Ayaa waxaa Heystay Muddo 3-Cisho Ah Kooxo Dhalinyaro Ah Oo la sheegay iney ahaayeen Kaluumeysatada Deegaankaasi,

Waxaanna Sideyntiisa Gacan ka geystay Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF Iyo Waxgaradka Deegaankaasi Oo Ku guuleystay in si Nabad ah Ay U wareejiyaan Markabka iyo Shaqaalihii Saarnaa,

Xilli Hore oo Saaka ay ayaa Koox Ka Tirsan Warbaahinta SBC Loo Kaxeeyay Meel Masaafo yar u jidha Dekedda Magaaladda Bosaso, Ka Hor inta aanu markabka Ku soo xiran Marsadda Bosaso, Waxaana Galbinyay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Puntland,

Waxaa Xiligaasi saarnaa 8-shaqaala ah oo Dhamaantood u dhashay Dalka Seri Land-ka, Iyadoona xiligii uu ku soo xirnayay Markabkan Dekedda uu Ka Ba’banayay Calanka Jaziirada Comoros

Intaas Kadibna Madaxweyne Ku Xigenka Puntland iyo Masuuliyiin Kale oo ka socday Dalka Jabuuti ayaa Soo Gaaray dekedda Bosaso, Halkaas oo Ay Warbaahinta Kula Hadleen,

Maxamed Aadan Waabari Joon, Oo Ah Sargaal ka socday Dowladda Jabuuti Oo Markabkan uu markiisii Hore ka Yimid, Ayaa Ka sheekeyay Dareenkooda Arintaan, Wuxuuna sheegay in Dowladda Jabuuti Arintan ay Ku Faraxsantahay,

Madaxweyne Ku Xigenka ayaa Ku Macneeyay Sababta Ay Dhalinyaradii afduubkan u geysteen Mid ay Wada ogyihiin Caalamku, Kadib markii Dhibaatooyin Loo Geystay Dadka Kaluumeysatada ahaa ee Dagana Deegaanada Xaabaha, Qaarkoodna Laga Bur-Buriyo Agabkoodii Kaluumeysiga

Dhiniciis Kabtanka Waday Markabka ARIS 13 ee Lagu soo Bandhigay Dekedda Bosaso ayaa Dareenkiisa Ka hadlay Wuxuuna Sheegay iney ku faraxsanyihiin Iney Dib U xoriyadooda u heleen Kadib Khatar adag oo ay Wajaheen,

Daawo Muuqaal :

DAAWO SAWIRADDA :

IMG_4241 IMG_4242 IMG_4245 IMG_4252 IMG_4253 IMG_4256 IMG_4270 IMG_4277 IMG_4280 IMG_4281 IMG_4287 IMG_4289 IMG_4290 IMG_4295 IMG_4306 IMG_4308 IMG_4315 IMG_4316 IMG_4317 IMG_4319 IMG_4324 IMG_4337 IMG_4356 IMG_4372 IMG_4375 IMG_4378 IMG_4381 IMG_4385 IMG_4395 IMG_4430 IMG_4432 IMG_4442 IMG_4456