Boqolaal dadwaynaha ayaa saaka u dareray si ay u soo gutaan salada Iidul Addxaa kuwaas oo saladii iidka ay kala qayb galeen Madaxda maamulka Puntland iyadoo saladana lagu oogayey Garoonka Kubada Cagta ee Mire Aware, halkaas oo qudbado ay ka soo jeediyay Culumowdiin iyo Masuliyiinta Dowlada jawiga oo ahaa mid aad u wanagasan dadkana ay ka muuqatay farxad iyo isu maxabayn kadib habeenkii xalay ahaa oo roob si wayn ay ugu diirsadeed dadku  uu ka da’ay Magaalada Garowe.

Qudbaha oo manta u badnaa kuwa looga hadlayey sidii amaanka looga wada shaqayn laha ayaa waxaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad Cali shire  oo ku dherada muhiimada ay leedahay amaanka ayaa qiray in dhibatada amaan daro ee ay keenan dagalada beelaha in ay qayb ka tahay dhibta ugu way nee ay Xukumada soo gaarta .

Gudoomiyaha  Goboblka Nugaal C/xirsi cali oo aan sidaas aan uga fogayn qudbadaha masuliyiinta oo kuwada saabsanaa amaanka ayaa  uga digay dadka aman darada loo soo xiro oo ay ka daba yimadaan odayaashu aysan ogalan doonin,

Dhanka kale  Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire ayaa qudbadiisii maanta markii ugu horaysay ka hadlay Shir dhawaan lagu wado in uu uga furmo beesha dhul bahante degmada taleex ay soo dhawaynaa Xukumada Puntland.

Marka laga yimaado qudbadihii Iidka waxaa manta dadka ay isku salameyen iid wanagsan sanadkaan sanadkiisa ku gaara nabad iyo bararo waxaana ay dadku manta ku kala tukadeen masajida Garowe,