Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe waxaa uu ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe Raysal-wasaaraha Dawladda Federaaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo.
 Soo dhaweynta Raysal-wasaaraha waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Siyaaasiyiin, Aqoonyahan, Haween , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray Soo dhaweynta Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.
Markii uu sidiiran loogu soo dhaweeyey Garoonka waxaa loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana halkaas shir jaraa’id ku qabtay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid.
” Waxaa sharafweyn noo ah maanta inaan soo dhaweyno Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo nagu soo gaaray socdaal yar oo gaaban , waxaana uu raysal-waasaruhu u yimi inaanu kawada tashano xiriirka Dawladda Puntland iyo Federaalka ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland ay waxbadan ka tabanayso Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ay ugu weyntahay jebinta hashiisyadii ay wada gaareen iyo ku tumashada Dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka u dagsan.
” Raysal-wasaaruhu waa noo yimi marka waxaan ka rabnaa su’aalaha tirada badan ee dadka reer Puntland qabaan inuu nooga jawaabo , waxaana rajeyn in is aragayaga waxbadan ka badali doono jewi taagan ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Raysal-wasaaraha Dawladd Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharamaarke ayaa dhankiisa muujiyey inuu si aad ah ugu faraxsanyahay imaanshihiisa Puntland iyo sida gobanimada leh ee loogu soo dhaweeyey.
-DHAMMAAD-
 
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
IMG_1939 IMG_1942 IMG_1971 IMG_1985 IMG_1986 IMG_1988 IMG_1989 IMG_1996 IMG_1997 IMG_1999 IMG_2007 IMG_2012 IMG_2019 IMG_2021 IMG_2026 IMG_2029 IMG_2031 IMG_2033 IMG_2037 IMG_2040 IMG_2044 IMG_2048 IMG_2052 IMG_2054 IMG_2061 IMG_2065 IMG_2067 IMG_2069 IMG_2072 IMG_2076 IMG_2084 IMG_2087 IMG_2088 IMG_2091 IMG_2092 IMG_2093 IMG_2096 IMG_2097 IMG_2099 IMG_2104 IMG_2106 IMG_2116 IMG_2120 IMG_2132 IMG_2135 IMG_2137 IMG_2141 IMG_2143