Ciidamada maamulka Somaliland ayaa jug culus oo xaga dagaalka ah loogu geystey dirir xoogan oo maanta ka dhacdey deegaanka Sool-Joogta ee duleedka degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Dagaaladan oo geystey khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira oo soo gaarey dhinacyada dagaalamay ee ciidamada Somaliland iyo xoogaga daacada u ah maamul goboleedka Khaatumo State ee ku abtirsada beelaha deegaankaasi dega.

Warar SBC ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaaladaasi ay dhaceen ka dib markii ciidamada Somaliland duulaan ku ekeeyeen deegaanka Sool-Joogta oo ay ku sugnayeen maleeshiyo beeleedka deegaankaasi.

Gaadiid dagaal oo gaaraya sadex ayaa ciidamada Somaliland looga qabsadey dagaalkii maanta, waxaana la soo sheegaya in jug culus oo dhanka ciidamada ah loo geystey ciidamada Somaliland ee duulaanka ahaa kuwaasi oo dib loogu celiyey goobihii ay ka soo duulaanka tageen.

SBC ayaa heshay sawirada iyo muuqaalka filim laga duubay dagaaladii maanta, waxaase aad u adag Internet-ka degmada Buuhoodle oo aanay inoo suurtagali karin inaan guud ahaan idiin soo gudbino sawirada iyo muuqalada filimka dagaalka, hase yeeshee waxaan si horudhac ah idiin soo gudbinaynaa qayb ka mid ah sawirada.

DAAWO SAWIRADA