DAAWO Sawirada aaskii balaarnaa ee ALLAHA u raxmadee Sh. C/qaadir Nuur

Aaska  ALLAHA u naxariistee Sheikh C/qaadir Nuur Farax oo shaley lagu diley magaalada Garoowe ayaa ka dhacay qabuuraha Kheyr Seexay ee duleedka magaalada Garoowe, iyadoo ay ka soo qayb galeen madax ka socotey Dawlada Soomaaliya, Puntland, Culima’udiin, & dadweyne aad u fara badan.

Madaxdii ka socotey Dawlada Soomaaliya waxaa hogaaminayey wasiirka arimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada iyo waliba Xildhibaano, Madaxda Puntland waxaa hogaaminayey Madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana ka mid ahaa golayaasha dawlada, sidoo kale waxaa aaska ka soo qayb galey madax ka socotey maamulada wadanka sida Somaliland, Culima’udiin ka kala yimid gobolada wadanka sida magaalada Muqdisho ayaa iyaguna aaska ka soo qayb galey.

Qudbadihii Aaska laga soo jeediyaya ayaa waxaa ay u badnaayeen Kuwa looga hadlayey sida looga xun yahay dilka foosha xumaa ee loo gaystay Shekha  iyo in meel looga soo wada jeesto dadka falalka noocaas oo kale ah ka qayb qaata

Sheikh Yusuf Aadan Maxamud waxaa uu ka mid ahaa culumada sida gaarka ah ay saxiibada dhow u ahayeen Allaha u naxariistee Sheikh C/qaadir Nuur Farax mud ka badana afartan sano ay wada shaqayneyn waxbarashadoodiina ay wada qateen waxaana uu ka mid aha culumada ka timid Hargaysa, isagoo si weyn uga haldey shakhsiyada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Culumada ka hadashay oo badnayd waxaa ay ka wada xumaden dilka iyagoo soo jediya in ay isku mid yihiin dadka gacanta siiya iyo kuwa guryaha  ka kireeya dadka falalka noocaas oo kale ah Ayaa waxaa isna canbareyay Sheikh Nuur Baruud Gurxan

Isimadii ka hadlay waxaa iyaguna ILAAHAY uga baryey janadii in uu ka waraabiyo ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse

Wasirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka DF  C/kariim Xusen Guuled ayaa sheegay in ay taagero siin doonta DF culuma’udiinka Soomaaliyeed, si buu yiri ay ummada uga wacyigaliyaan dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha diinta ku qaraabanaya.

Madaxwaynaha Puntland oo gabo gabadii ka hadlay ayaa ugu baqay dhalinyarada ku jirta Al_Shabaab in ay isaga soo baxaan si ay uga badbaadan dagaalka uu sheegay  in ay la galayaan

Allaha u naxaristee sheikh C/qadir Nuur Faarax waxa uu lahaa hal xaas  iyo 9 caruura oo todobo ka mida ay ahayeen wiilal halka labade kalena ay ahayeen gabdho

DAAWO SAWIRADA
aaskii_sheekha aaskii_sheekha2 aaskii_sheekha3 aaskii_sheekha4 aaskii_sheekha5 aaskii_sheekha6 aaskii_sheekha7 aaskii_sheekha8 aaskii_sheekha9 aaskii_sheekha10 aaskii_sheekha11 aaskii_sheekha12 aaskii_sheekha13 aaskii_sheekha14 aaskii_sheekha15 aaskii_sheekha16 aaskii_sheekha17 aaskii_sheekha18 aaskii_sheekha24 aaskii_sheekha25 aaskii_sheekha26 aaskii_sheekha27  aaskii_sheekha28 aaskii_sheekha29 aaskii_sheekha30 aaskii_sheekha31

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print