Deegaanka Biyo kulule oo magaalada Boosaaso dhinaca bariga qiyaastii dhowr iyo toban KM kaga beegan wuxuu qayb ka yahay goobaha loo dalxiiska tago ee ku yaal Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Biyo kulule oo asaaskiisa laga joogo muddo 2 qarni ku dhow xiligaas oo ahayd 1835-tii waxay caan ku tahay sida magaceedaba laga dheehan karo il ay biyo kululi kasoo burqadaan.

Biyahaas oo ay in badan oo Bulshada kamid ahi aaminsan yihiin inay caafimaadka u wanaagsan yihiin ayaa waxaa maalin walba u damaashaad taga boqolaal qof oo qurbe joog, dhalinyaro iyo dad waayeel ah u badan.

SBC International oo ah warbaahin jecel in bahda ku xiran ay mar walba usoo gudbiso quruxda iyo horumarka guud ee dalka,waxanu halkaan aanu ku soo bandhigayna muuqaalo muujinaya bilicda deegaan dalxiiseedka qadiimiga ah ee Biyo kulule.

 

Sawir qaade :Maxamed Xirsi Cabdi {Jabra}

jabra444@gmail.com