Dagaal feer ah oo six un la isku garaacay dhulkana la isla galey ayaa todobaadkan ka dhex dhacay gudaha Studio Tv oo ku yaal magaalada Mosco ee caasimada Ruushka, iyadoo si toos ah loo daawanayey gacan ka hadalkaasi.

Alexander Lebedev oo feer isku diyaarinaya

Dood kulul oo u socotey laba nin oo ganacsato ah ayaa ayaa ugu dambeyntii isku badashay gacan ka hadal halkii afka laga hadli lahaa, iyadoo ragga ku lugta lahaa gacan ka hadalka ay ahaayeen ganacsato waa weyn oo u dhalatey dalka Ruushka kuwaasi oo midkood mar noqdey qofka 40-aad ee ugu taajirsan dalka Ruushka ninkaasi oo lagu magacaabo Sergei Polonsky, halka kan kalena wargeyska Forbes ee arimaha dhaqaalaha ka faalooda uu bishii May ee sanadkii 2008-dii uu u aqoonsadey qofka 358-aad ee aduunka ugu lacagta badan, ninkaasi oo ah Alexander Lebedev.

Lacagleyda feerka isku fara saaray ayaa waxay kala ahaayeen Alexander Lebedev oo ah mulkiilaha Wargeysyo caan ah oo ka soo baxa magaalada London ee caasimada UK, kuwaasi oo ay ka mid yihiin The Independent & Evening Standard.

Dooda oo ku aadaneyd dhibaatada dhaqaale ee dunida ka taagan ayaa waxay gaartey heer aad u kulul oo fara isku taag taag ah, balse dooda oo meel wanaagsan mareysa daawadayaasha & dadkii kale ee Studio-yada fadhiyey ee la socdey dooda ay aad uga heleen ayaa waxaa dhawr mar istaagey oo caro ka muuqatey wajigiisa Alexander Lebedev, balse markii dambe ayuu inta u adkeysan waayey dooda ninka kale ee maalqabeenka ah wuxuu ku bilaabay feer ilaa uu kaga tuurey isaga & kursigiisii masraxa ama stage-ka Studio-ha arintaasi oo dhalisay in wariyihii barnaamijka wadey & shaqaalihii kale ee Tv-ga ay soo kala cararaan ayna kala qabtaan labada nin.

Alexander Lebedev oo feer la tuurey Sergei Polonsky

Lebedev oo sidoo kale ah mulkiilaha wargeyska caanka ah ee Novaya Gazetaee ka soo baxa dalka Ruushka ayaa waxaa ka muuqatey caro xoogan balse Polonsky deganaansho ayaa ka muuqatey isagoo xitaa dagaalka ka dib si caadi ah u taagnaa oo aan wax gacan qaad dambe ah aanu bixin.

Dooda oo ka socotey Telefishinka NTV ee magaalada Moscow ayaa waxaa si weyn u hadal haysa saxaafada caalamka iyadoo sidoo kale dadka wadanka Ruushku ay ka noqotey hadal haynta ugu weyn ee cafeega lagu qabayo todobaadkan.

Link Video hoose ka daawo dhacdadan qosolka badan ee feerka la isku qaad qaaday.HALKAN KA DAAWO

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com