Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka muuqanaysa saansaan nabadeed oo laga gaaray colaadii dhiigu ku qabtey ee dadka faraha badani ku dhinteen, iyadoo ay dhaqan gashay xabad joojin ay garhayeenka ka ahaayeen duqeyda dhaqanka ee gobolkaasi & kuwa kale oo ka yimid gobolada Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu guuleystey in lakala qaado dhinacyadkii ku dagaalamay magaalada, halka sidoo kale la qaaday jidgooyin ama Isbaarooyin tubnaa deegaanadii lagu dagaalamay.

Duqeydha dhaqanka ee ku hawlaneyd arimaha nabadeynta ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka magaalada Gaalkacyo inay joojiyaan barakaca ay ka barakacayaan magaalada Gaalkacyo oo ay ku kalsoonaadaan heshiiska nabadeynta ee la gaaray.

Docda kalena maamulka Puntland ayaa isaguna geestiisa shaaciyey in si buuxda loo dhaqan galiyey xabad joojintii sadex maalmood ka hor ay ku baaqeen iyagoo sheegay in wixii xiligan ka dambeeya la hirgaliyo qodobada heshiiska ee laga gaaray colaadii magaalada Gaalkacyo.

Link Video hoose ka daawo magaalada Gaalkacyo oo laga qaadayo jidgooyooyinkii ka dhashay dagaalka, goobihii lagu dagaalamay oo burbur xoogan ka muuqado, odayaasha dhaqanka oo ka hadlaya heshiiska & waliba dadweynaha oo soo dhaweynaya heshiiskaasi dhamaan halkan ka daawo muuqaaladaasi.
HALKAN KA DAAWO

Deeqo Nuur Faarax (Bilan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobilan1@hotmail.com