4, June 2010. iyada oo dhawaan uu bilaaban doono Koobka Kubadda cagta ee Adduunka ayaa Xarakada Al Shabaab waxaa ay mamnuuceen

Daawashada Ciyaaraha Adduunka ee lagu qabanayo dhawaantaan waddanka Koonfur Afrika.

Sh Xassan Yacquub oo madaxa Waliyaada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegey in Xafiiska Dacwada ee gobolka Jubada Hoose amar

hordhac ah oo ka soo baxay waxaa uu ku sheegay inay kaga amarro dhammaan ku soo rogeen goobaha lagu daawado cayaaraha in 

gebi ahaamba ciddii lagu arko iyaga oo fulin weysay amarradaas in ay mutaysan doonaan ciqaabta amar jabinta ah.

Dhinaca kale maamulka ayaa waxaa ay sheegeen in wadaan hawlo dacwo ah oo dhallin yarada gobolka lagu baraarujinayo waa sida 

hadalka u dhigeene lagu kobcinayo iimaankooda iyada oo dhawaantaanna fagaaraha beerta xorriyadda lagu soo bandhigay dhallin yaro

ay sheegeen Maamulka Islaamiga ah in ay yihiin kuwo u hurayo naftooda waa sida ay hadalka u dhigeene.


Hadalka maamulka Islaamiga ah ayaa sidoo kale dhallin yarada ku amray in ay ka feejignaadaadaan wax kasta oo dhaqanka Islaamiga ah 

ka soo horjeedo, sida daawashada Aflaanta dhaqan xumada ah iyo daawashada Ciyaaraha kubadda cagta, hadal ka soo baxay xafiiska 

Dacwada ayaa waxaa lagu sheegay in  ciddii lagu soo qabto fal noocaas ah oo kale loo taxaabi doono Xabsiga.

Magaalada Kismayo ayaa hore waxaa looga mamnuucay daawashada Aflaamta xiligii ay soo galeen ama ay gacanta ku dhigeen maamulka

Islaamiga ah magaalada xarunta u ah gobolka Jubada Hoose sidoo kale waxaa ay mamnuuceen daawashada Ciyaaraha Champions league,

oo ay si aad ah u xiiseeyaan dhallin yarada ku taxan ciyaaraha kubadda cagta.

Mohammed Ali Hersi (Dalmar)
SBC International Kismayo.