Cusbitaalkii u horeeyay oo si khaas ah loo leeyahay oo maanta laga Furay Qardho

Waxaa maanta markii u horeysay magaalada Qardho laga furay Cusbitaalkii u horeeyay o si khaas ah loo leeyahay waxana loogu wanqalay Balsan Clinic Center .
 
Xafladii furitaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Cusbitalka qaybaha kala duwan ee bulshada Maamulka iyo Dhqaatiirka ka hawl galaysa Cusbitalka oo u dhashay wadanka kajakiztan  waxana cusbitalka yaala qalab casri ah oo loogu tala galay in bukaanka lagu daweeyo .
 
Ugu horeyn qadar quraan akhris ah kadib waxaa hadalka la siiyay maamulaha Cusbitalka Balsan Ahmed Nuur Sheekh waxana uu ugu horeyn ka warbixiyay xaaladihii ay ka soo mareen furitaanka cusbitalka waxana uu sheegay in hawshiisa lagu guda jiray mudo gaaraysay 3 sano  waxana uu sheegay in maanta ay tahay maalin wayn oo ku beegan furitaanka Balsan Clinic Center.Maamulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacagta ku baxday dhismaha guriga cusbitalka ay tahay lacag gaaraysa 620 000 $ iyadoo lacagtaas aysan ku jirin kharashka qaybta caafimaadka .
 
Maamulaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhaqaatiirta ka hawl galaysa ay yihiin dhaqaatiir u dhashay wadama shisheeye gaar ahaan wadanka kajakiztan waxana uu sheegay in dhaqaatiirta qaarkood ay haystaan khibrad shaqo oo gaaraysa ku dhowaad 20 sano oo ay ku soo jireen hawlaha caafimaadka .
 
Xoghayaha dawlada hoose ee Qardho oo si toos ah xariga uga jiray Cusbitalka ayaa sheegay in qardho ay u baahnayd cusbitalka si khaas ah loo leeyahay oo laga bfuro iyadoo wax wayn uu kabadali doono baahidii caafimaadka ee dadku ay u aadi jireen dlka dibadiisa .
 
sayfulaah Sayidulaah oo ka mid ah dhaqaatiirka Cusbitalka ayaa sheegay in uu aad ugu farax sanyahay hawlaha caafimaad ee ay u qabanayaan bulshada qaybaheeda kaladuwan waxana uu sheegay in hawshan ay siwayn u qaban doonaan kana shaqayn doonaan in bulshadu hesho adeeg caafimaad o dhamaystiran .
 
Nabadoon Maxe’d Aadan oo kamid ah  waxgaradka magaalada Qardho oo ka hadlay  furitaan xaflada ayaa sheegay in ay tahay wax siwayn loogu farxo furitaanka cusbitalka waxna uu sheegay in cusbitalka oo wax wayn u soo kordhiyay bilicda iyo tayaynta caafimaadka magaalada waxana uu xusay in 2 goor uu hawlo caafimaad u aaday dalka Kenya .
 
Balsan Clinic Center waa cusbitalkii u horeeyay oo si khaas ah loo leeyahay oo laga furo magaalada Qardho waxana cusbitalka yaala qalab casri ah oo lagu baarayo qofka iyo xanuunka haya waxana ka hawlgalay dhaqaatiir muslim oo khibrad caafimaad oo mudo gaaraysa leh waxana bulshadu ay aad ugu hambalyeeyeen cid walba oo iska leh furitaanka Cusbitalka.
 
Sawiro






4 Responses to Cusbitaalkii u horeeyay oo si khaas ah loo leeyahay oo maanta laga Furay Qardho

  1. mohamed says:

    sida laga warqabo magaladda Qardho waa magalo ween oo misana aad modo tulo,maxa ugu wacan?waxan umaleyna in aay tahay Xasid nimo,sida laga warqabo 150 sano waxay ahayd magalo jirtay oo aan lahan Kabayasha Dhaqalaha,sida wax barshada Ganaciga Hotelada Isbitalada,Warshadaha Jamacadaha,waxas oo dhan kama hirgalin magaladas waxana ugu wacan dadka fhulkas udhashay,oo isku kalsonidi kaluntay,isla markasna dadkodii aay ku dhacday Dib-udhac iyo in aay ka hosmaran magaloyinka kale ee puntland,sida laga warqabo dadka Dega Dhulka karkar waa dasdkii laga sogaray Ilbaxnimadii ama tarikhdii Hore ee Somalida,mantna waxad moda in aay yihin dadka dadka ugu hoseya,sida kamuqata Magaladoda iyo mamulkoda,mahadsanidin.

  2. oday bari says:

    Qardho qurmuunaa qariib u danaa
    waraf iyo dhagax baa lagaa saa rayaa meesha hadaad habayn ku hoyatid meel islaamkoo dhan la isla sheegay weeyaan magaranayo sidida qardho ku sii jiri doonto.waxayse u badan inay la iska ka guuro 20sanno danbe markay sidee xasarad ku siijirto magaalooyin ka soomaliya dhismaan.

  3. C/RAXMAAN MUUSE says:

    Qardho maxamadaw waa magaalo caan ah waxaysan lahayna majidho wana hoyada tacliinta reer qardhoodna maha dad xasida waa daad walaalo ah

  4. QARDHO says:

    ASC BACDAL SALAAN WAA WAX FIICAN MAGAALADA IN LAGA FURO HOSPITAAL PRIVATE AH DADKAAN HALKAAN KA CAYTAMAYAA WAA WALI DAD TUULOYIN DEGAN ADEER QARDHO WAA MAGAALO LA YAQAAN DADKA DEGANA MAANTA WAXAY DHAHAAN BAA SOCDA WAXAY DIIDAANA MA SOCDAAN HADAY TACLIIN IYO ILBAXNIMO NOQOTANA SANAD WALBA ARDAY KA BADAN 40 BAA WAXBARASHO DEEQ AHAAN U GAAR QARDHO KALIYA KA HESHO INTA KA HESHA ISKULLAD KALENA KA BADAN TEEDE KALE QARDHO MAAHAN MAGAALO LEH KAABAYAAL DHAQAALE DADKA DEGAN MAAHAN DADKA USOO XAGA BAXA EE WAA DADKA XILI WALBA DEGAN MARKA BOSASO AMA GALKACYO WAA MAGAALOOYIN SHAQO TAASANA KEENAYSA INAY KA WEYNADAAN TEEDE KALE QOF WALBA OO QARDHO USOO XAGA BAXA WAXAA U DEGANYAHAY BOSASO DADKAAS KUMANAN GARAYAA MARKA MAGALADAAN WAA AY KU WACANTAHAY QABKEEDA MANA AHAAN DAMEERI DHAAN RAAC OO FAROOLE KUWA KA WAAWEYN BAY DHAHEEN DOONI MAYNO ILAA MAXAMED SIYAAD BARE BAY RUNTA U SHEEGEN MARKA FAROOLE MASAKIIN AH HADII LAGU MUDAHAARADO MA WAXA LAGU NOQDAY DHAGAX TUUR WARDEE BELO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII