Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-bashiir ayaa diyaarad gaar ah ka qaadey magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika halkaas oo uga qaybgalay shirkii Hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa maalintii shalay ee Axadda soo saartey go’aan ku-meel gaar ah oo sheegaya in aanu dalka ka bixi karin Cumar al-Bashiir, kadib markii maxkamadda denbiyadda caalamiga ah ay sidaas ka dalbatey Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ICC.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Suudaan Axmed Bilaal Cusmaan ayaa saxaafadda u sheegay “Madaxweyne Cumar al-Bashiir waxa uu ka soo duuley Koonfur Afrika, Uunna Gaaray Dalkaasi Isagoo Bad qaba.”.

Diyaaradda sida Madaxweynaha ayaa Galabta Ka Dagtay Garoonka Magaaladda Khartuum Ee Dalka Suudaan.