Xoghayaha Guud ee Ururka Saxifiiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan Oo La Hadlayay Warbaahinta SBC Ayaa eedeyay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumada Somaliya,

Cumar wuxuu dhaliilay nidaamka ay dowladdu u marayso Xeerka Saxaafada ee dhawaan La Horgeeyay Golaha Wasiirada ee Somaliya, Isagoona sheegay iney taasi ka hor imaanayso Qaynuunka Caalamiga ah,

Si gaar ah wuxuu u dhaliilay Qodobo Ku Jira sharcigan oo muujinaya In Dhamaan wariyayaasha la diwaangaliyo, Si Aan Munaasib Aheyn, Wuxuuna taasi ku tilmaamay mid Xoriyad darra ah,

Sidoo kale wuxuu xeerkan dhigaya in La Ganaaxo saxafigii Ka Horyimaada Xeerkaan Qalafsan ee Ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee Somaliya, waxaana uu sheegay in xiligaan ay saxifiyiinta soomaaliyed ay ku shaqeeyaan Duruufo adag,

Cumar Faaruuq Cusmaan Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Wuxuu Wax laga xumaado ku Tilmaamay in Wasaarada warfaafinta Ay sharcigan Tashi kala sameysay Dad kooban oon matali karin Masuuliyadda Suxufiyiinta Somaliyed, sida uu Hadalka u dhigay,

Ugu danbeyn ayuu Ugu Baaqay Wasiirka Warfaafinta ee soomaaliya in Xeerkan Dib Loogu laabto lagana saaro, Qodobada ka hor imaaanaya Xoriyada iyo Hadalka Saaxafada, wuxuuna Cod dheer ugu baaqay Madaxweyne farmaajo iyo RW. Kheyre in Sharcigan aan la Horgeyn baarlamanka.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA :