Cumar Faaruuq Cismaan  Xoghayaha Ururka Suxufiyinta Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Shir Maalmihii ugu danbeyay ka socday Magaalada Muqdisho kaasi oo la doonayo in lagu sameeyo Hogaan Cusub Ururka Nusoj.

” Nusoj waxay Cadeyneysaa in Shirkani usan ahayn shir iyaga quseeya , Ururka Shirkiisii Guud waa uu dhacayaa Xubnaha Ururka ayaana ka soo qeybgalaya , waxayna tahay waa dad is wareerinaya Waxayna tahay waa dad is wareerinaya oo waqtigii inta uu dhumay oo doonayo inay helaan wax ay waqtiga ku lumiyaan, Ururkanina mahan urur ay u talinayaan Maamulayaal iyo Mulkiilayaal Mahan”

Cumar Faruq Cismaan Waxaa uu si aad ah ugu nuuxnuuxsaday in Ururka uu Qabsan Doono Doorashadiisa Si xor oo xalaal ah islamarkaasina waxaa uu ka digey Marin Habaabinta Lagu Sameynayo Suxufiyiinta isaga si agaar ah u xusay in Faragelinta Wasaarada Warfaafinta ee Arimahan ay dhibaato ku tahay Dowlada Federaalka.


Hadalka Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj waxaa u ku soo beegmayaa Xilli Magaalada Muqdisho ay Shir ku leeyihin Suxufiin Maamulayaal Iyo mulkiilayal ka mid ah Warbaahinta Soomaalida kuwaas oo sheegay in Shirkoodu ku saabsan yahay Doorashada Hogaan Cusub oo ay yeelato Nusoj.

Inkasta oo Shirka 16-ka BIsha lagu Balansnaaa inuu qabsado Doorashadiisa ay u baaqatay ka dib markii ay Hoolka doorashada soo Buux dhaafiyeen Tiro badan oo dad ah kuwaas oo lagu tilmaamay inaysan Ahayn Suxufiyiin Sax ah taas oo dhalisay in Doorashada ay Dib u dhacdo.

Marka la eego Hadalka Mr Faaruuq iyo Qabsoomid la’aanta Doorashada ee Maanta waxaa Muuqaneysa inay Jiri karto Fargelin lagu Hayo Ururada Madax banaan ee Dalka.

SBC News Desk