Culuma’udiinka  Gobolka Nugaal ayaa maanta Deeq lacageed oo ka timd gabdho Somaliyeed oo ku sugan dalka Swedan  ku wareejiyeen Dadka danyarta ah iyo Barkacayaasha kuwas oo lacagtii loogu badalay Rashin sida uu ku waramayo sheikh C/qadir nuur Farax oo lagu soo hagijay Deeqdaani, una gaarsiiyay Gobolada Karkaar Nugaal iyo Mudug

Shikh C/qaadir Nuur Farax waxa kale uu aad ugu dheraday dadkaan loo qaybiyay deeqdaani sida ay markii hore ahayeen waxaam uu intasi raciyay in lacag Garaysa Sodon kun oo dollar oo laga soo Ururiyay dadka oo loogu tala galay dadka abartu ay ku dhufatay konfurta somaliya in ay u direen si wax loogu qabto

Todobaadkaan gudihiisa ayaa waxaa sidaan oo kale loo qaybiyay dadka barakacayasha ah Deeqo rashin ah oo ay ugu deeqeen Ururo Maxali ah waxaa sidoo kale Jiray wadamo ay ka mid yihiin Kuwait oo rashin Garsisay dadka barakacayasha ah eek u jira xeryaha qaxtootiga iyagoo u sii marinayey Ha’yada Daryeelka ee Puntland

Daawo Sawirada

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe