Magalada Garowe waxaa  lagu soo gabo gabeeyay kulan sadex maalmood uga socday Oday dhaqameedyo iyo Culumowdiin ka kala yimid Degmoyin ka tirsan Gobolada Bari, Mudug iyo Karkaar kuwaas oo Qaybtood ay ka socdeen Todobaadyadii la soo dhafay Dagaalo u dhaxeeyay Beelo wada daga halkaasi si loojoojiyo Dagaaladaasi  Barnaamijkaan  oo ay waday wasarada Caddaalada iyo Ha’yadda NCA ayaa waxaa inta uu socday looga wada hadlayeey Sidii loo xalin lahaa khilaafadka ka dhasha Goobaha ay Colaadaha ay ka jiraan Nabadna loogu soo Dabaali lahaa.

Culima awdiinkaasi iyo Odaydhaqameedku waxaana ay ka soo saareen Shirkoodaasi  Baaq ku saabsana Nabad ku soo Celinta goobaha ay ka yimadeen gaar ahaa Beelaha ku dagalamaya Gobolka Karkaar sidii ay Nabad wada jir ah u qaadan lahayen Shiikh  C/risaaq Xaaji Aadan oo ka mid aha Culmowdiinkiika qayb galayey ayaa warbaahinta u akhriray Baaqoodu qodobada uu ka kooban yahay:

1-In si Alle ka cabsi leh loo joojiyo Meelaha Xabbadu ka dhacayso ee ka tirsan Deegaanda Puntland sida Gobalada Bari,Karkaar iyo Mudug.

2-In dhammaanba Bulshada Reer Puntland heer Shacab iyo Xukuumaba joojinta Dagaaldaasi iyo Nabadaynta Beelahaasi .

3-In meel looga soo wada jeesto cid allaaliyo ciddii ka soo hor jeesata Baaq Nabadeedkaan ay soo saareen Culima Awdiinka ,Oday dhaqameedka iyo Haweenku

Shiikh  C/risaaq Xaaji Aadan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in si dagdag ah loo joojiyo dagaaldaasi sababay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac “Dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku Dhintee”waxa ay ka mid ahayd hadaladii Shiikh  C/risaaq.

Wasir Cadaalada Diinta iyo Awqaafta Puntland C/khalif Xaaji Xasan {Ajayo} oo si isna ka hadlay ayaa ku dheeraday Muhimada Xalinta khilaafadka iyo sii Nabad loo raadin lahaa Wasiirka ayaa sheegay in aan Lagaranayn waxa soo Celcelinaya Dagaal Beeleedyada ayna tahay mid aysan ogolayn Diinteena islaamka loona baahanyahay in waxwalba lagu dhammeeyo wada hadal iyo is arag .

Tan iyo markii ay soo cusboonaadeen Dagaal beeledyo ka dilaacay Gobolkaasi Karkar waxaa soo baxayey Baaqyo iyo Dadaalo lagu qaboojinayo Colaadaasi ooka imanayey Mamulka Puntland iyo Odayaasha, Aqoonyahanka , Waxgaradka iyo Culumowdiinka Iyadoona ay hada joogsadeen Dagaladasi oo ay Ciidamana u dirtay Maamulka Puntland kuwaasi oo kala dhex galay Beelahaasi Walaalaha ah ee halkaasi wada daga.





Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusufyare}
SBC International Garoowe