Culimaa’udiinka Deegaanada Puntland qaarkood oo habeenkii xalay ka qeybgalay Barnaamij gaar ah oo lagu qabtay Xarunta warbaahinta SBC ayaa waxaa ay baaq nabadeed ugu direen Beelo walaalo ah oo xiisado ay mudooyinkan ku dhexmarayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Culimada Habeenkii xalay ka qeybgashay Barnaamijka gaar ah ayaa waxaa ay kala ahaayeen Sheekh Daahir Aw-Cabdi iyo Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan waxaana ay halkaas ka akhriyeen baaq ku aadan in dhiiga La daadinayo uu yahay Xaaran loona Baahan yahay in bulshda Qeybaheeda ay ka qeyb qaataan sidii loo kala dhexgali lahaa

Sheekh Daahir waxaa ugu horeyn sheegay in Dhiiga Islaamka In la daadiyo ay tahay Xaaran Waxaana uu ugu baaqay in cidkasta oo Dil u geysta Qof walaalkiis oo muslim ah ay ku talagasho in Eebe aanu u naxariisan doonin[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/Sheekh-Daahir-.mp3].

Sidoo kale Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu ugu baaqay Beelaha walaalaha ee wada Degan Deegaano ka tirsan Gobolka Bari loo baahan yahay in la dhexgalo islamarkaasina ay tahay qof kasta oo caqli leh uu ka waantoobo hurinta Colaada Islamarkaasina qaxgaradka ay bulshada ka qabtaan Qof kasta oo wax magarad ah oo Falalkan oo kale Geysanaya ama sii hurinaya Colaada[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/Dr-Axmed-.mp3|titles=Dr Axmed]

Baaqa Culimada ayaa ku soo beegmaya kadib Markii Dilal Isdaba jooga ah Ay Mudooyinkan ka dhacayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Bari kaasi oo isku geysanayaa Beelo walaalo ah oo sidoo kale oodwaag ah kuwaasi oo wada Degan Deegaanada Bari.

HOrey ayaa waxaa Heshiisiinta Beelahan waxaa u sameeyay Cuqaal & Culimo iyo weybaha Maamulka Walow Heshiisiintaasi ay noqotay Hal bacaad lagu lisay Waxaana Markale Dib u bilowday Ugaarsiga Dadka Beelaha Dagaalamaya ka soo kala jeedaan Taasi oo ay ugu danbeysay Dhacdaadi 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacday Deegaanada Bari.

Maxamed Deeq Cabdala
SBC International News Desk