Culimada waa weyn ee diinta Islaamka ayaa si aad ah uga digay in la rumeysto oo la qaato filim maalmihii la soo dhaafay dhexsabeynayey baraha Internet-ka oo qofka soo duubay uu ku sheegay in uu duubay malaa’ig ku soo degaysa Kabcada.

Filimkan oo si weyn maalmahan u dhexbutaacaya Facebook-ga & You Tube-ka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid la been abuuray ama la sameeyey taasi oo ay culimada Islaamka ku sheegeen in aan loo baaheyn in la rumeeyo.
Dr. Abdel Muti Bayoumi oo ka mid ah aqoonyahanada Islaamka kana tirsan Jaamacada Al- Azhar isla markaana ah cilmi baare ayaa sheegay in malaa’igtu ay iska soo dhigaan basher (Bini’aadam) laakiin wuxuu sheegay inaanay aheyn wax suurtagal ah in laga duubo filim, isagoo intaasi ku darey in ALLE uu qur’aankiisa ku sheegay in Malaa’igtu qof mu’min ah oo saalix ah, iyagoo sidoo kale ku soo degaya dadka cibaadeysanaya sida ay qabaan axaadiista rasuulkeena Muxamed Nabad galyo & naxariis dushiisa ha ahaatee.

Prof.Bayoumi waxaa kale oo uu xusey in ay tahay in aan la qaadan oo aan la rumaysan filimkaasi, wuxuuna sheegay in ay dhici karto in ay soo diyaariyeen dad doonaya in ay lacag ka sameeyaan filimkaasi.
Filimkan ayaa haatan wuxuu si weyn u dhex socdaa wadamada Carabta & qaar kale oo kale oo ka tirsan dalalka Islaamka waxaan filimkaasi ka muuqda wax cad oo sida qofka soo duubay filimkaasi uu ku sheegay in uu ahaa malaa’ig kus oo degaysa Kabcada, iyadoo filimka lagu soo celcelinayo waxaasi cad, waxaa kale oo ka muuqda qof dhulka taagan oo la leeyahay wuxuu u jeeday waxa qofka filimka duubay uu ku sheegay malaa’igya, iyadoo ugu dambeyntii filimka ay ka muuqato wixii cadaa oo si toos ah ugu soo degaya kabcada dusheeda.

Sidoo kale culimada wadanka Sacuudiga ayaa iyaguna uga digay dhalinyarada in ay filimkaasi rumeystaan waxaana ay sheegeen in ay jiraan dad badan doonaya in ay diinta Islaamka meel uga dhacaan inay abuuraan waxyaabahan oo kale, waxaase ay sheegeen in ay tahay wax muran & shaki ku jirin in Malaa’iga EEBE ay ku soo degayaan dadka wan wanaagsan ee qalbiga saalixa  & camalka suuban la yimaada, kuwaasi oo aan arki karin malaa’igta.
Malaa’igta waa Abuur Nuur ka sameysan oo uu Allaah [Sw] Cibaado kaliya u Abuuray mana Caasiyaan Allaah mana ka daalaan Cibaadadiisa Habeen iyo Maalina waxay u taagan yihiin fulinta Amaradiisa, ma Hurdaan waxna ma Cunaan waxuu Alle u diro oo howl ah ayay fuliyaan, Malaa’igta Insaanka ma arki karo laakii nayaga way arki karaan waxayna Malaa’igta jeceshay Dadka Alle [Sw] kaliya caabuda, waxayna Jeceshahay meelaha Alle lagu Caabudo, waxay neceb tahay kuwa Alle Caasiya, waxayna necebtahay meelaha Alle[SW] lagu Caasiyo, sidaa darteed ayuu Allaah markii ay su’aaleen waxaa uu ugu jawaabay hadal kooban oo cadeynaya Xaqiiqda Abuurka Aadam iyo ula jeeda uu Allaah [Sw] ka leeyahay:{Anagu waxaan Ognahay waxaadan Ogeyn}[Al-Baqra Aayada 30-aad] si uu Allaah [Sw] u muujiyo Xaqiiqda Abuurka Aadam iyo Sharaftiisa waxaa uu Allaah baray Aadam magacyada wax kasta waxaana lagu weydiiyay inuu wax kasta Magaciisa sheego, islamarkaana Malaaigta la weydiiyay Imtixaan ahaan: {Eebe waxa uu baray Nabi Aadam magacyada Dhamaan, markaasuu u bandhigay Eebe Malaaigta kuna yiri: iiga warama Magacyada kuwaas hadaad runloow tihiin} [Al-Baqra 31aad] Malaaigta oo ah Uun u sameysan u hogaansanaanta Alle marna aan Amarkiisa jabin waxa ay yiraahdeen isla markiiba: {Nazahidaada Eebow Cilmi malihin waxaad na barto mooyee waxaad tahay adigu wax Oge falsan} [al-Baqra Aayada 31aad]

 Halkan ka hoose ka daawo filimka la sheegay in laga duubay malaa’igta oo ku soo dageysa Kabcada ama xaramka Barakeysan.
Daawo

Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm