Qaar ka mid ah Culimada Waaweyn ee gobolka sanaag ayaa kulan ay ku yeesheen gudaha xarunta gobolkaas ee Baran waxa ay kaga dalbadeen dadweynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay Sameeyaan Ilaahbari si uu Alle igaga samatabixiyo Dhibatooyinka dadka iyo dalka Soomaaliyeedna ugu soo celiyo Amaankii iyo xasiloonidii.

Waxay muujiyeen culimadani Dhibaatooynkii umada Soomaaliyeed ay soomatay iyo kuwa aan xadiidka laheyn ee iminka heysata, waxaana ay ku booriyeen dadweynaha in ay u soo laabtaan alle kacabsiga joojiyaana inta dhibta wada falalka ay ku kacayaan.

Waxaa ay sidoo kale u soo jeediyeen maamulada ka jira geyiga soomaaliyeed in ay iclaamiyaan Waqti umada Soomaaliyeed oo dhami ay u istaagaan Alle Bari maadaama mudo 20 sano ah ay ku soo jireen Burbur,

Hadalkan ka soo baxay Odayaasha Gobolka Sanaag waxa ay imanayaan xili ay soo muuqatay neecaw siyaasadeed iyo mid diiniba iyo isku soo dhowaansho qaran, oo markii ugu dambeysay meel wada farriisteen siyaasiyiinta ugu magaca weyn Soomaalida oo ahaa shirkii London.

Cawil Nadiif  Suldaan
SBC International Boosaaso