Culimada manta ka hadashay Aaska alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa sheegay in dilka sheekha ay soo abaabuleen sida ay hadalka u dhigeen Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland iyo Soomaaliya ayaa goobta aaska kula hadlay Dadweyne Boqolaal gaaraya kuwaasi oo uu u sheegay in dilka Marxuumka ay geysteen Alshabaab.

“Dadweynuhu inay fahmaan ayaa loo baahan yahay PIS wax ma dilin namana leyso anaga xogta waa ognahay wadankana waa joognaa shabaab weeye waxa dadka dhameeyay, Axmed Xaaji C/raxmaana gacantooda ayuu ku dhintay,Anaga sidaasey noogu dhaarsan yihiin oo goobtaas (Shirka Baydhabo )ay nooga magacaabeen oo waa sugeynaa ajashu waqti bay leedahay baqdin nama hayso”.Sidaas waa sheegay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Hadalka ka soo baxay culimada Puntland ayaa waxaa uu imanaaya xilli Culimaa’udinka Boosaaso ay isku diyaarinayaan barnaamij gaaar ah oo deeq loogu uruurinayo dadkii hantidooda ay ku gubatay suuqa Boosaaso oo u baahan gacan weyn oo taakulo ah.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo Baxay Xarakada Alshabaab oo ku aadaan eedeyynta ay u jeediyeen Culimada inay ka danbeeyeen Dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo Puntland.

Dhageyso Khudbada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Click Here…. DHAGEYSO


SBC International Monitoring