Baarayaal u dhashay dalka Canada ayaa bilaabay in ay soo bandhigaan qayb kamid ah ikhtiraacitaankooda ku aadan Mobile sida waraaqdii u samaysan.

Taleefonka ayaa culimadu sheegtay in uu noqon doono mid qaban kara dhamaan baahiyaha uu qabto Mobilka caadiga ah ee ay dadku isticmaalaan.

Ditoor Rowel Fertigal oo ah madaxa ikhtiraacay Mobilka waraaqda ka samaysan ayaa sheegay in sanadada soo socota la hormarin doono,iyadoona marka ay soo bandhigaan uu noqon doono mid dad badan oo si aad ah u xiiseeya isticmaalka aalada taleefonka ay la dhici doonaan.

Muuqaal ahaan Mobilka ayaa u samaysan sida boorsooyinka yaryar ee lacagta lagu rito,gaar ahaana jeebka la gishto,iyadoona waraaqda uu ka samaysan yahay ay tahay mid khafiif ah oo aad u fudud.

Ikhtiraaca Aaladan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadaha Quenz iyo Jaamacada Gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Qayb kamid ah Aaladan taleefonka Waraaqda ka samaysan ayaa tobanka Bishan oo ay maalin kali ah ka harsan tahay,waxaa lagu soo bandhigi doonaa Magaalada Vankafor ee dalka Canada.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.