Cudurkan shuban biyoodka oo ka dillaacay Degmada Hobyo ayaa waxaa u geeriyooday saacadihii la soo dhaafay dad tiradoodu ay gaarayso 7 qof oo caruur u badan, sidoo kale waxaa cudurkan la il daran dad gaaraya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Caruur iyo dad waawayn iyagoona xaaladooda caafimaad aad looga dayrinayo dadkaasi.

Hay’adda SOHDO ayaa dawayn ay ku caawinayso dadkaasi waxa ay ka wadaa goobihii dhawaan cudurku shuban biyoodku ka dilaacay ee degmada hobyo waxaana lagu soo daad guraynayaa dadka cudurku daashaday goobaha cafimaad ee SOHDO ku leedahay degmada hobyo madaxa ugu sareeya ee Hay’adaasi wadaniga ah Mustaf Caweeye ayaa sheegay in ay dadaaladooda sii wadi doonaan.

Kuxigeenka duqa degmada Hobyo shariif Axmed oo saxaafada la hadlayay ayaa mahad balaaran u soo jeediyay Hay’adda wadaniga ah ee SOHDO waxqabadka caafimaad ay ka fulinayso degmadaas wuxuuna codsi u soo jeediyay Hay’addaha caafimaadka ku shuqul leh inay garab ku siiyaan SOHDO arimaha caafimaad oo ay ka wado Gobolka mudug.

Ugu danbayntii ma ahan markii ugu horaysay ay ka fuliso degmada Hobyo hoowlaha caafimaad dhawaan ayay ahayd markii ay dawooyin ay gaarsiisay deegaankaas SOHDO iyo wasaarada caafimaadka dowlada Galmudug.

Liibaan c/laahi faarax {Qaran}
SBC International Gaalkacyo