Xidiga kooxda kubada cagta Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa caawa jabiyey rikoorkii hore ee gool dhalinta horyaalka Spain ee La Liga, isla markaana dhigay rikoor cusub ka dib markii uu afka ka xiray 40 gool oo uu dhaliyey xili ciyaareekda 2010/2011.Labada gool ee uu afka ka xirtey jawaanka goolasha ee 40-ka gaaraya waxay qayb ka ahaayeen 8 gool oo caawa Real Madrid ku sagootisey kooxda martida u aheyd ee Almeria oo ay ku qaabisay Santiago Bernabeu, iyadoo kooxda Almeria ay hoos ugu quustey kooxaha heerka labaad.Rikoorka cusub ee uu dhigay ciyaaryahanka reer Portugal wuxuu dhaafay rikooradii hore ee ee gooldhalinta horyaalka Spain ee ay horey u dhigeen xidigii kooxda Athletic Bilbao, Telmo Zarra oo hal xili ciyaareed dhaliyey 38 gool sanadkii 1951, iyo laacibkii hore ee kooxda Real Madrid ee u dhashay Mexico Hugo Sanchez oo sanadkii 1990-kii 38 gool afka ka nigaxdey.Xidigii hore ee Manchester United Ronaldo waxaa la gudoonsiin doonaa abaalmarinta loo yaqaan Pichichi crown ee gooldhalinta, wuxuuna noqonayaa markii ugu horeysay ee Real Madrid ciyaartoy ka socdaa uu ku guuleysto abaalmarintan tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2007-dii oo uu ku guuleystey laacibka Ruud van Nistelrooy.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com