Washington:-Golaha odayaasha dalka mareykanka ayaa bixiyey ogolaanshihii ugu dambeeyey magcaabidda Leon Panetta in uu noqdo xoghayaha gaashaandhiga mareykanka isagoo bedeli doono xoghayihii hore ee gaashaandhiga Robert Gates, oo la filayo inuu dabayaaqada bishan June shaqada ka fariisto.

Golaha ayaa is aqlabiyad ah ugu codeeyey Panetta oo hadda haya xilka agaasimaha sirdoonka mareykanka CIA, islamarkaana horey ula soo shaqeeyey maamulkii hore ee madaxweyne Bill Clinton.

Panetta ayaa soo saaray bayaan uu ugu mahad celinayo golaha odayaasha wuxuuna balan qaaday in dowladda mareykanku ay sii ahaan doonto dalka ugu quwad weyn caalamka .

Leon Panetta oo 72 jir ah ayaa xubin ka ahaa congress-ka mareykanka iyo guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda congress-ka.

Panetta ayaa ay hor yaalaan howlo adag ay ugu horeyso bilaabidda ka saaridda ciidamada mareykanka dalka Afghanistan iyo dhameystirka ka bixitaanka ciidamada mareykanka dalka ciraaq.

Dhanka kale madaxa guddiga u qaabilsan golaha odayaasha ciidamada qalabka sida ninka lagu magacaabo Karal Liven ayaa sheegay in ay waajib tahay in aan laga ogolaan wasaaradda gaashaandhiga hoos u dhigidda miisaaniyadda islamarkaana laga rabo xoghayaha gaashaandhiga in uu baaro dhamaan barnaamijyada milatariga iyo dhaqaalaha halka lagu bixiyo taasna uu siiyo mudnaanta koowaad ee howlihiisa.

Sidoo kale xoghayaha gaashaandhiga mareykanka ayaa waxaa looga fadhiyaa sidii uu u qancin lahaa xildhibaanada ka biya diidan ka qeyb qaadashada dowladda mareykanka howlgalada milatari ee dalka Libya.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring