Xaflad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada iyo Cayaaraha Gobolka Bari Abshir Cali Yuusuf,ayaa ka dhacday magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guddoomiyihii hore ee dhalinyarada iyo Cayaaraha Gobolka Bari Mustafe Cabdiraxmaan (Majacase) ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Guddoomiyaha cusub,waxaana xaflada Xilwareejinta ah goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Bari,maamulka degmada Bosaso iyo qayabaha kala duwan ee Bulshada.

Mustafe Cabdiraxmaan ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray Gobolka iyo Caqabadihii ka horyimi,wuxuuna Maamulka cusub u rajeeyay guul.

Abshir Cali Yuusuf Oo Ah Gudoomiyaha Cusub ayaa balan qaaday inuu hormarin ku samayn doono Cayaaraha Gobolka Bari,wuxuuna mahadcelin u jeediyay Maamulkii uu xilka kala wareegay.

Kulanka Xil Wareejinta

Kulanka Xil Wareejinta

Guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada iyo Cayaaraha oo kaashanaya Wasaaradaha ku shaqada leh Cayaaraha,Ganacsatada iyo dadweynaha daneeya hormarka Cayaaraha ayaa laga filayaa inuu door wayn ka qaato hormarinta Cayaaraha Gobolka Bari.

Hoos ka dhageyso: