Gudiga bad badinta qaxotiga somaliyeed ee fadhigedu yahay magalada muqdisho ee casumada dalka somaliya ayaa manta ku warejiyay gudiga takulaynta qaxotiga yaman ee puntland.

Munasabad gaban ay lacagta kula kala waregayeen labada gudi ayaa waxaa gobjoog ahaa mamulka mu’asasada al minhaaj mamulka gudiga qaxotiga yaman ee puntland iyo masuliyiin kale.

Shiekh Maxamed Macalin oo wakiil ka ahaa lacagta ay soo dhibeen gudiga bad badinta qaxotiga yaman ee muqdisho ayaa ka warbixiyay lagactan

Gudomiyaha mu’asasada All-minhaaj shiekh maxamed cabdilahi cabdule ayaa ku amanay gudiga muqdisho wax qabadka ay walalohoda somaiyeed la garab tagan yihiin.

Shiekh axmed yuusuf daad oo ah gudomiyaha gudiga takulaynta qaxotoga somaliyeed ee yaman ayaa uga mahad celiyay gudiga bad badinta muqdisho.

Afar bilood ka hor ayeey ahayd markii ay dalka yaman ka qaraxday colaad u dhaxaysa dowlada halka ka jirta iyo koxo mucaradsan dowlada yaman.

Mudo ku dhow 20-sano ayaa somalidii ku sii cararaysay hada mar kale ay dib uga soo yacayaan waxayna u bahan yihiin garab istaag kan ay hada shacabka somaliyeed iyo dowlada ay wado mid ka xoog badan.

Xamse Cabdirshiid Jaamac.

SBC, Boosaso.