Sagaal mooto ayaa maanta lagu wareejiyey laanta nabadgelyada waddooyinka Puntland Kuwaas Oo Loo Yaqanno Taraafikada,

Mootooyinkan oo ah kuwo casri ah islamarkaana qalabkoodu u dhameystiran yahay waxaa ku deeqday hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Munaasabaddii qalabkan lagu wareejinayey oo ka dhacday xarunta Taliska booliska ee Garowe, waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo ay kamid yihiin:

Taliyaha guud ee Booliska Puntland iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal. Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in mootooyinkan loogu talo galay in lagu ilaaliyo shuruucda waddo marista islamarkaana lagula socdo dhaq dhaqaaqa gaadiidka.

Hoos ka dhageyso warbixin:

Daawo sawiradda:

medium_iJKttHuTmedium_oB0VL1is medium_O2r29qSHmedium_Ic617wJFmedium_vbyNBuOK